Madaxweynaha Somaliya Xassan Sheekh Oo U Ambabaxay Dalka Sucuudiga soona gudanaaya waajibaadka Xajka (SAWIRRO)

Sep 30, 2014 Muqdisho(SM) – Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka amba baxay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan ee magaalada Muqdisho isagoo ku siijeeda dalka Sucuudiga halkaasoo uu madaxweynuhu kusoo gudan doono waajibaadka Xajka,

Madaxweynaha oo ay wehliyaan ku xigeenka Ra’isulwasaaraha ahna wasiirka diinta iyo Owqaafta Ridwaan Xersi Maxamed iyo xubno katirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa garoonka ku sii sagootiyay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyadoo madaxweynuhu uu   casuumaad ka helay dowladda Sucuudiga isagoo gudashada waajibaadka alle kadib kulamo la qaadan doona mas’uuliyiinta dowladda Sucuudiga.