Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo ka Hadlay Cabashada Odeyaasha Reer Awdal Ee Saluugga ka Muujiyey Saami Qaybsiga Xukumada Siilaanyo.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo ka Hadlay Cabashada Odeyaasha Reer Awdal Ee Saluugga ka Muujiyey Saami Qaybsiga Xukumada Siilaanyo.

saylici-oo-dhoofayaSep 9, 2014n Hargeysa(SM) – Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil (Saylici) Ayaa ka hadlay Cabashada odeyaasha Reer Boorma kaga cabanayeen Saami qaybsiga Xukumada Madaxweyne Siilaanyo oo ay saluug weyn ka muujiyeen, waxanu tilmaamay in Madaxweynuhu Guddi su saaray Cabashadaasi ka soo baxday odeyaal dhaqameedka Awdal, isla markana ay soo baadhayan Cabshadooda, kadibana waxa laga qabandoono.

Sidaasi waxa uu ku sheegay Mar uu maanta ka dhoofayey madaarka Cigaal ee Hargeysa isaga oo u socday Shir lagga hadlay Maalgashiga Wadamada Galbeedka Afrika oo ka Furmaya Imaraadka Carabta Gar ahaana Dubia.

Madaxweyne ku-xigeenka oo ugu horeyn ka hadlaya shirka uu ka qaybgalayo waxa uu yidhi. “Waxan u Baxayaa Safar yar oo Kooban, waxan ka qaybgalayaa Madal Maalgalineed oo loo qabtay Dalal ka Mid ah Afrikada Galbeed, waxana ka soo qaybgalaya Siddeed Madaxweyne, waxa kale oo shirkaasi imanaya Maalgaliyaal Caalami ah runtii Somaliland waa laggu marti qaaday in ay goob joog ka noqoto, si aynu inaguna uga soo faa’iideysano oo aynu u bandhigno in ay Somaliland laftigeedu dawlad tahay, una furan maalgashiga Fursado baddan leh, Madaxweynayaasha Siddeeda ah ee imanaya waxa ka mid ah Madaxweynaha Biniin, Senigaal, IvoryCoast, Maali, Neyjer, iyo Madaxweynaha Toogo”Ayuu yidhi saylici.

Waxa kale oo waxa lagga waydiiyey sidda uu u arko Cabashada odeyaal Dhaqameedka Reer Awdal ka soo yeedhay ee ku salaysan Saami Qaybsiga Xukumada Siilaanyo sidda uu u arko. “Dabcan Xabashooyinku waa wax iska jirra Marwalba, in ay wax tawdaan dadka Reer Awdalna waxa cusub ma ah, Guddidu madaxweynuhu u saarayna waxay soo raadinayaan wixii ay ku cabanayeen Odeyaasha Reer Boorama in ay soo xaqiijiyaan si waxa looga qabto cabashadooda”Ayuu yidhi Saylici.

Salaanmedia/ Hargeysa