Madaxweyne siilaanyo iyo raysal wasaarihiisa cusub ee xirsi oo iska waraystay magaacibista xilka raysal wasaaraha!

madaxweyne siilaanyo iyo raysal wasaarihiisa cusub ee xirsi oo iska waraystay magaacibista xilka raysal wasaaraha!
 MAQAAL
 
m/w/siilaanyo; raysal wasaare xirsi sow maad arag sida quruxda badan ee shaxaysan ee aan god mulaca uga saaray xilka weligaa kuu qarsoonaa ee dadka tuhunka ku dilay ma koontarabaan uun baad ku jiraysaa weligaa waar kabax madowga oo u bax laydha!,
 
r/wasaare xirsi; madaxweyne wixiiba waxaad u qarxisay si lama filaan ah xitaa umaad soo aar aaran oo marqudha ayuunbaad sidii jug soo dhacay ka dho siisay waxa la rabay inaad wax yar hoga tusaalayso dadka oo aanad marqudha daaha sidaas qaawan uga faydin ileen dalka sharci baa u yaal oo laynaga qaadan maayee ta kale meesha nin madaxweyne kuxigeen ku magacaaban ayaa jooga oo qudhiisu wuu inaga boodayaaye!, 
 
m/w/siilaanyo; adeer kaas horaan isha farta uga soo geshay waxaana layidhi ushaada nimaad ka qaadan karto ayaa loo dhiibtaaye markii aanu doorashada m/w/kuxigeenka u sharaxaynayba waanu iska soo shirabnay oo waanu ogayn inaanu lahayn ilko wax qaniina ee kaas ha kabaqine kawaran siday u arkeen kuwii mucaaridka ahaa ee qaylin jiray ee uu cali guray ugu horeeyn jiray?
 
r/wasaare xirsi; kuwaasi markii ay qayliyeenba intaan shir jaraa-id qabtay ayaan si kale u dhigoo waxaan idhi waar odayga waad ogaydeen beryahanba caaday isaga ahayd oo wuu hilmaan batay waanay ka qaraxday ee dhab kamay ahayn waxna ugumuu jeedin hilmaana hadal kuma jiro ee ka raali ahaada markaas waan yar qaboojiyay oo waxaasba waxaa kaga xumaa oo madaxooda ka guuxaya doorashada madaniga ah ee aynu ku gawracnay tii madaxtooyada iyaga qolada mucaaridka ah waxay ku dhex waasheen sidii ay keenista xeerkan lagu xalaalaynayo doorashadaas baarlamaanka uga joojin lahaayeen oo ragas toodaa cuslaysay ee haka biqin mudane,
 
m/w/siilaanyo; sowtan kii ciro oo ardayaa imaaraadka carabta kayimid isaga oo dheg la qabto lahayn ee baarlamaankii isku soo dhex tuuray si uu mooshinka u joojiyo miyaanad shidaalin xildhibaanadii darbanaa si ay hawshooda u gutaan weliba xildhibaan bukhaari si fiican ma ula dardaarantay si aan looga hoos dusin?
 
r/wasaare xirsi; mudane haka biqin kaas waahore ayaan kuu sheegay oo aan ku idhi kaas (ciro) hadaanu baarlamaanka ku kulano sankiisa ayaan caano riyaad ka idleen hadana ragii waan ka hawl galay oo nin walba kistiisa wuu haystaa inyar oo aan badnayn ayaa gacanteena ka maqan intaasina markay arkaan in mooshinku cirkaas maraayo oo uu qiimo leeyahay ayay inoo soo baydhayaane ha ka wer werin,
 
m/w/siilaanyo; sow sanaaduuqda diiwaangelintan madeniga ah umaad badin deegaanada xisbiga kulmiye laga taageero si aynu codka ugu badsano?
 
r/wasaare xirsi; iyaga waan u laban laabay qaar kalena madaxtooyada ayay u yaaliin si wixii xumaada loogu bedelo taasi waa diyaar mar alaale iyo markuu mooshinkaas lagasoo faraxasho ayaa lagaynayaa,
 
m/w/siilaanyo; waxaan TV yada ka arkaayay ilaa shalay kuwo hogaamiye dhaqameed sheeganaaya oo leh raali kamanihin diiwaangelin aan laysku waafaqsanayn maxay ahaayeen kuwaasi ma qaar hada dhashay oo hogaanka dhaqanka ku cusub baa miyaanay kamid ahayan kuwaynu ka hawl gelijiray ee kushubashada ahaa miyaanad ka hawlgelin suldaan xiiray isaga ayaa afhayeen u ahaa oo afka ka haystaye?
 
r/wasaare xirsi; waa iyaga laftoodii ee waa ismuujin iyo halaydiin yeedho waxay rabaan meel ay mashruuca kasoo galaan si ay saamayn iyana ugu yeeshaan wixiibaa halmar isla istaadhmaye hadaan suldaan xiiray telfoonkiisa garaacayaa isaga ayaa afka ka jifayn kuwan oo ku filan haduu intuu shir jaraa-id qabto odhanayaa anigaa hargeysa wax layga weydiiyaa ee yaa hadli kara mudane haka biqin kuwaas,
 
m/w/siilaanyo; cabdi waraabena la hadal haku biiree,
 
r/wasaare xirsi; maya cabdi waraabe waa dab demiska ugu danbeeya oo markaad aragto inuu mashruucu soconwaayo ee uu soo oodmo ayaa hadhka lagasoo kiciyaa isagu waa baag adag oo waa aakhirul kalaamka hadaad cabdi waraabe soo horaysiiso maxaa kuu hadhay ee aad hadhow ku laaban doontaa Somaliland cabdi waraabe meel ka saraysa oo la salaaxo maleh daaso isaga,
 
m/w/siilaanyo; kawaran kuwii hogaanka dhaqanka ahaa ee reer boorame ee inayar ruxay intay hargeysa inoo soo fadhiisteen sow may guryo tegin oo lagama nasan?
 
r/wasaare xirsi;  kuwaasi ma meel ay mareen baa la arkay sowtaad gudi asqo ah u saartay ee kuway ka cabanayeen ee samaale ugu horeeyo tidhi xaalkooda kasoo taliya dee ilaa iyo qiyaamu saac ka imanaayo jawaab uun bay sugidoonaan markaasaa suuta lagu afuufi waxa layidhi waayeel tag lamayidhaah ee wax uu kutago ayaa la tusaa kuwaas wax ay kutagaan waad tustay nimaan quusan lafihiisa ayaa quus ah ama wey quusan ama samaale ayay jawaab madhaleys ah kasugi doonaan haka biqin kuwaas waad iska khaarajisee!,
 
m/w/siilaanyo; maxay u hadli waayeen kuwii xisbiga kulmiye hogaanka u ahaa waxaan arkaayay xidhibaan waabeeyo oo isagu waajibkii kasaaraa gutay oo u jawaabay xisbiyada mucaaridka ah?
 
r/wasaare xirsi; mudane kuwaasi miyay daahiraan weligood adigaa ka quusan la horaan kuugu sheegay markay xaaladi inu adkaato ayuunbay inaga lugta ina jiidaane waa niman raba inay laba shinbirood hal dhagax ku wada dilaan sowtii HCTV uu c/rashiid riyaraac ka qarxiyay ee yidhi anagay nala fikir yihiin oo ma rabaan labadan diiwaangelin ee isbarkan,
 
m/w/siilaanyo; haday maanta shaqadooda qabsan waayaan iyana waxa lamarin doonaan halkii ina c/qaadir la mariyay wax badan baa loo dulqaataye;
 
r/wasaare xirsi; waxba kuuguma fila kuwaasi mudane aan lugooyo ahayn ee ka tasho.
 
 
aadan axmed nuur 

khuurshe11@hotmail.com