Madaxweyne Wasiirka Wasiiradu Dastuurka Qaranka Somaliland Kuma Qorna, Ee Ma Dastuurkii Shirkii GAR-ADAG Ayaad Qaranka Ku Maamulaysaa

Madaxweyne Wasiirka Wasiiradu  Dastuurka Qaranka Somaliland Kuma Qorna, Ee Ma Dastuurkii Shirkii GAR-ADAG  Ayaad Qaranka Ku Maamulaysaa,  Qaabka Diiwaangalinta Madaniga Ah Xukuumadu U Dhigtay  Waxanu U Aragnaa Shirqool Lagu Hor-istaagayo Doorashooyinka:

 maqaal

 

Waxa aan maanta qalinka u qaatay in aan laba arrimood ka yar faaloodo, arrinta koowaad oo ah, kalmad Madaxweyne Siilaanyo afkiisa ka soo baxday shalay markii ay taariikhdu ahayd 7/9/2014, kalmadaas oo ahayd in uu mid ka mid ah Golahiisa Wasiirada qaasatan Wasiirkiisa Madaxtooyada Xirsi uu ku sheegay Wasiirka Wasiiradda, Wasiirka Wasiiradda afsoomaali ahaan wuxuu la macno noqonayaa Raysalwasaare, waxa hadaba isweyndiintu tahay xageebuu Madaxweyne Siilaanyo ka keenay Raysalwasaarahan uu inoo magacaabay.

 

Sida ku qeexan  Dastuurkeena Jamhuuriyadda Somaliland wuxu qeexayaa nidaamka aynu ku dhaqmaynaa in uu yahay nidaamka Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen. Sidaa darteed waxaa halkaa ka cadaatay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka horyimi Dastuurka Qaranka Somaliland, kuna dhawaaqay wax baalmarsan Dastuurka Qaranka, waxaanu Golayaasha Qaranka sida Golaha Wakiilada  iyo  Guurtida ka codsanaynaa in ay arrintaa Madaxweynaha kala xisaabtamaan, hadii arrintaa Golayaashu waxba ka oran waayaan markaa Shacabka Somaliland waxay xaqiiqsan doonaan in sharcigii umadu dhigatay la laabay waxa Axmed Siilaanyo inagu maamulayaana yahay Shircigii ama Dastuurkii Shirkii GAR-ADAG.

 

Goobta Madaxweyne Siilaanyo kalmadan Dastuurka baalmarsan ka yidhi waxay ahayd shir ay Madaxtooyadda ugu qabteen Badhasaabyada iyo Maayirada Dalka, waxa isna halkaa ka hadlay Wasiirka Wasiiradda Xirsi uu Xisbiyada Mucaaradka ku dhaliilay in ay Qabyalad wadaan, hadaba waxa is waydiin mudan ma mucaaradka ayaa qabyaalad wada mise inankan yar ee adeerkii Siilaanyo ka hoos hanjabaya ayaa qabyaalad wada, Wasiir Xisri waxaan leeyaahay sawirka qabyaaladeed ee ugu weyn ee maanta Somaliland kajira waa marka aad adeerkaa Siilaanyo ka hoos hanjabayso, anigu sawir qabyaaladeed oo kaa ka weyn ma garanayo oo Somaliland ka jira.

 

Takale xukuumadani ma doonayso in Doorasho dalkani ka dhacdo, taana waxa kuu cadaynaya markii ay isku xidheen diiwaangalintii madaniga ahayd iyo tii doorashooyinka, ayna jabiyeen heshiiskii ay gaadheen 3 xisbi qaran iyo kominshinkii qaranka Somaliland oo ahaa in labada diiwaangalinod is garab socdaan si aan caqabad ugu iman doorashooyinka, xeerkii doorashooyinka ayay waxay ku xidheen oo shuruud uga dhigeen xeerkii doorashada madaniga ah oo ay iyagu soo malmaluuqdeen, doonayaana in ay ku carqaladeeyaan doorashooyinka la filayo in dalka ka dhacaan, shacabka Somaliland iyo beesha caalamkaba waxanu ogeysiinaynaa in aysan xukuumada Siilaanyo diyaar u ahayn doorasho in ay qabato, dalkana doonayso in ay nabadgalyo daro ka abuurto, ma aqbalayno mana suurto galayso diiwaangalinta madaniga ah ee shuruuda looga dhigay diiwaangalinta doorashooyinka,  shacabka iyo xisbiyada mucaaridka ee UCID IYO WADANI waa in ay si cad oo ficil ah uga horyimaadaan shirqoolada xukuumada madaxweyne siilaanyo u maleegayso doorashooyinka soo socda.

 

 

 

 

Mr.  Cabdiqaadir Mohamed  (Cukaashe)

warfaa_101@hotmail.co.uk