Madaxweyne Xasan Sheekh oo shirjaraa’id ku qabtay Garoonka Muqdisho

image

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa saaka dalka dib ugu soo noqday, kadib ka qaybgalkiisii shirka Qaramada Midoobay ee ka dhacay Magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, xubno ka tirsan Wasiirada, Xildhibaano iyo saraakiisha ciidanka Dowladda.

Soo dhaweyn, kadib Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu qeybta nasashada ee Garoonka Muqdisho kula hadlay saxaafada, isaga oo faah-faahin ka bixiyay shirkii uu ug qeybgalay New York iyo kulamadii gaar-gaarka ahaa ee madaxda caalamka qaarkood uu lasoo qaatay.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in natiijo fiican ay kasoo hooyeen shirkaasi, Khudbadii uu ka jeediyay shirka Qaramada Midoobayna ay aheyd mid si qoto dheer uu ugu faah-faahiyay arimaha Soomaaliya iyo guulaha Milateri ee Dowladda Soomaaliya ka gaadhay dagaalada Shabaab ay kula jirto.

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu tilmaamay in madaxdii caalamka ee kulanka uu lasoo qaatay uu kala hadlay arimaha Soomaaliya, guulana ay kusoo dhamaadeen dhamaan kulamadii iyo safarkii uu dalka dibadiisa kusoo maray.

Intaasi kadib ayaa Madaxweynaha Soomaaliya waxaa loo soo galbiyay Madaxtooyada dalka, waxaana la xiray wadada kasoo baxda Madaxtooyada ilaa Garoonka Muqdisho, gaar ahaan wadada horumarta Dekada Muqdisho ilaa School Polozio, halkaasi oo ah wadada uu isticmaalo Madaxweynaha, xilliga uu dhoofaayo iyo xilliga uu soo dagaayo.

Salaanmedia/Mogdisho