Masuuliyiinta iyo Idaacaddaha Shabelle iyo SKY FM oo Muddo 33 Maalmood ah si Sharci Darro ah ugu Xidhan Dawladda Federaalka

image

Muqdisho (SM)—waxaa muddo 33 Maalmood ah si sharci darro ah u xiran Idaacaddaha Shabelle iyo SKY FM ee Magaalada Muqdisho iyo Masuuliyiin iyo Shaqaalaha ka shaqeenayay Labada Idaacadood.

Idaacadaha Shabelle iyo Sky FM oo ah labo idaacadood oo madax banaan ayaa 15 August 2014 waxaa soo weeraray Ciidamo ka tirsan Nabad sugidda soomaaliya iyagoo hawada ka saaray labada Idaacadood xabsigana u taxaabay Suxufiyiin tiradoodu gaarayso 19 inkastoo 16 ka mid la sii daayey oo weli xabsiga ay ku jiraan Gudoomiyaha Shabelle Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud, Maxamuud Maxamed Daahir, iyo Axmed Cabdi Xasan kuwaasoo loo gaystay Jir dil baahsan iyagoo xitaa lagu qabtay Koronto, dhaawacyadii soo gaarayna ay ka muuqdaan iminka sida ay xaqiijiyeen dad soo booqday.

Xirnaansha Muddada 33-da Maalmood ah ay xiran yihiin Idaacadaha Shabelle iyo Sky FM ayaa waxaa cambaareeyey qaybaha Bulshada iyo Ururo saxaafadeed oo Caalami ah iyagoo dhamaantood Dalbanaya in la soo daayo Suxufiyiinta xiran dibna hawada u galaan Shabelle iyi Sky FM.

waxaana 04 Sept. 2014 Xabsiga dhexe loo gudbiyey Gudoomiyaha Shabelle Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud, Maxamuud Maxamed Daahir, iyo Axmed Cabdi Xasan oo ay si sharci darro ah ugu xiran yihiin.

Dhinaca waxaa Taariikhdu markii ay ahayd 06 Sept. 2014 la xiray Madaxii Wararka Idaacada Shabelle Maxamed Bashiir Xaashi oo lagu xiray Xabsiga laga deyriyey ee Godka Jilacow ee Magaalada Muqdisho iyadoo la sheegay in loo gaystay Jirdil.

xariga iyo handadaadan ayaan ahayn markii ugu horaysay ee ay qaado dawladda uu Madaxda ka yahay xasan Sheikh iyadoo 16 October 2013 ay sidan oo kale ay Xarunta Idaacada shabelle oo waqtigaa ku tiil agagaarka airporka Muqdisho ay soo weerareen Ciidamo aad u badnaa oo ka kala tirsanaa Nabad sugidda iuo Booliska lana xiray 36 Suxufi iyadoo xaruntana ay la wareegeen Nabad sugida waqtigaasoo idaacadha ay hawada ka maqnaayeen mudoo bil ah.

sidoo kale biashii Nofember 2013 waxaa la xiray Gudoomiyaha shabelle Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud iyo Madaxa Wararka Shabelle Maxamed Bashiir Xaashi iyagoo xirnaa ku dhawaad Bil kadibna Dambiyo aysan gelin oo la soo abaabulay  awgeed ay Maxkamadi ku xukuntay Min Hal sano oo xabsi ah Balse la iibiyey xabsigoodii