Mid kamid ah Dowladaha Carabta Saaxiibada la ah Somalia oo ku dhawaaqday la dagaalanka Alshabaab

 

Flag-Pins-United-Arab-Emirates-Somalia

Dowladda Imaaraadka Carabta oo sheegtay inay taageero ka geysanayaan Hawlgalladda Caalamka kula dagaalamayo Kooxaha ka dagaalama Somalia.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimahadibedda ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay inay si kulul u cambaaraynayaan nooc kasta oo xasillooni-darro ah, oo ay ku jirto xasuuq, qaraxyop, qoor-goynta, afduubka iyo in dadka Biri-ma-geydada ah la addoonsado.

Dowladda Imaaraadka waxay kaloo taageero u muujisay dadaalka Caalmiga iyo kan Heer Gobalka si looga hortago dhamaan falalka cabsida leh, iyadoo la cuskanayo Qaraarkii Golaha Ammaanka QM ee tirsigiisu ahaa 2170, soona baxay bishii August 15-dii ee sannadkan.

Waxay kaloo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Imaaraadka Carabta inay ka walaacsan tahay sida ay Beesha Caalamka uga qeyb gelin Hawlgalladda kale, waxayna xustay in loo baahan yahay in wax laga qabto Kooxaha ka dagaalama Somalia, Yemen, Libya iyo Afganistan.

Ugu dambayntii, Hadalka ka soo baxay Dowladda Imaaraadka ayaa lagu xusay inay dalalkaasi la dhibaataysan yihiin Aragtida Xag-jirnimadda iyo colaadaha ay soo abaabulaan Ururka Alqaacida iyo Kooxda Daacish ama Islamic State ee ka dagaalama dalalka Syria iyo Iraq.

Xigasho: khaleejtimes.com