Midawga africa wuxuu siinayaa madaxwaynayaasha magan galyo ah danbiyada dagaalka.

Midawga africa wuxuu siinayaa madaxwaynayaasha magan galyo ah danbiyada dagaalka.

African Union gives presidents immunity from war crimes The African Union (AU) has adopted a resolution granting sitting presidents immunity from prosecution for war crimes at a continental court set up to try grave crimes.

maqaal

Midawga africa wuxuu siinayaa madaxwaynayaasha magan galyo ah danbiyada dagaalka. Midawga Africa wuxuu qaatay qaraar kaas oo u ogolaanaya madaxwanayaasha xilka haya magan galyo inaan lagu soo oogi karin danbiyo dagaal halkaas oo lagu dhisayay maxkamad qaaradeed loogu tala galay inay wax ka qabato danbiyada.
 
Lakin go aanka meesha ka saaraya madax da xilka haysa inaan dacwad ku soo oogin maxkamada Africa ee cadaalada iyo xuquuqda bini adamka waxay gaareen hogaamiyaashu xili lagu guda jiray shirkii midawga Africa ee ka dhacay Malabo, equatorial Guinea markay ahayd 26 kii June waxay  dhalisay ama kicisay dhaleecayn ka timid kooxaha u ololeeya xuquuqda shacabka.
 
Talaadadii, Amnesty International ( AI) waxay ku tilmaantay go aanka “ tilaabo dib u dhac ku ah la dagaalanka xaqdarada iyo khiyaamada dadka dhibku ka soo gaaray dhibaatooyin ka xun xun ee lagula kacay”.
 
 Weer ka soo baxday dhamaan madaxda Africa iyo dawladahooduba waxay u codeeyeen inay qaataan sharcigan kaas oo ogalaanaya madaxda xilka haysa iyo saraakiisha sar sare inaysan dacwad ku soo oogi karin maxkamada Africa.
 
“Waxay ku soo aaday waqti qaarada Africa ay loolan ugu  jirto inay hubiso inay jirto hufnaan ku aadan tacadiyada dhanka xuquuqda aadanaha iyo dhibaatooyinka kale, waxaa adag in la xaqiijiyo go aan kan kaas oo mija xaabinaya sharafta maxkamada Africa ee cadaalada iyo xuquuqda aadanaha, xitaa intaysan shaqa bilaabin,” waxaa yiri Al’s Africa Director for Research and Advocacy Netsanet Belay.
 
Iyadoon la tixgalinayn go aanka midawga Africa, maxkamada danbiyada ee caalamiga ah waxay wali xaq u leedahay inay baaritaan ku samayso madaxda Africa ee xilka haya, Al baa intaas ku sii daray hadalkiisa.
 
Sidoo kale daalaco: dawladu waxay rabtaa go aan ICC ah kaas oo ah qasbida marqaatiyaasha inay dhan ka kale wax u cadeeyaan.
“ waxaan aad uga xunahay in madaxda Africa iyo dawladuhuba ay ku guul daraysteen inay sameeyaan hogaan kaas oo looga baahnaa inay xaqiijiyaan cadaalada”.
 
Abdihafid Mahamud Jama 
London England
Twitter@ABDIHAFIDUNIVTV