Miisaaniyada Xukuumadu soo dhoob dhoobtey oo ah Miisaaniyad Cilmi feleg ah oo aan laheyn dhexroor, dhextaal, Tashiil,Taxriir iyo Turuq midna.Qalinkii A/rahman fidhinle UK

maqaal
Dakhliga miisaaniyadu sidiisaba  waa mala-awaal cilmiyeysan (educated guess) oo ku saleysan qiyaas (projections) kaas oo ku saleysan mar kasta xaalada dhaqaale ee wadanka taala.Taas oo ah mid  toojka ku-ifineysa xaalada taagan waqtigan xaadir ka ah iyo saadaasha waqtiga isguraya ee soo socda. Marka la isla meel dhigo  dakhliga ayaa dabeetana laga fuudh yeelaa baahiyaha markaas jira iyada oo mudnaanta loo siinaayo sida ay kolba ukala muhiimsan yihiin una kala horeeyaan baahiyahaasi (Prioritize).  Hadaba waxa aan caad saarneyn in maanta  aaney tani ka muuqan miisaniyada hordega ah ee macmalka ah ee mashqaca ah  aan laheyn dhexroorka iyo dhextaalka ee ay xukuumada Siilaanyo usoo dhoob-dhoobtey sanadka soo sacda ee 2015-ka  in ay  meelmariso, taas oo ay  cirka kusii shareertey si ay shacabka tahan baabey ee tabaaley ee tahriibta miciinsadey ee baahan ee sicir bararku ragaadiyey ee reer Somaliland ay hiyigooda uxado  oo ay quluub tooda iyo qalbigooda ukasbato maadaama ay xukuumada hada uhadhey mudo yar oo gaadheysa toban bilood oo keliya.
 
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu khudbadihiisii sanadihii hore  uu  kaga  dhawaajiyey  in waqtigii ay xilka la wareegeen ay Miisaaniyada Somaliland aheyd $50 Milayan oo Dollar Sanadkii 2013 ay sadex-laab ka badneyd oo ay gaadhsiiyeen $170 Millyan oo Dallar.  Sanadkan 2014  ay afar-laabeen oo gaadhsiisey $212 Millyan oo doolar oo aan ilaa imika laheyn Xaliibnaan iyo Xisaabcelin hayad keliya aaney  la iman ayaa sanadkan soo socda ee 2015-ka  ay xukuumada Siilaanyo ee musuq badan oo xariifad ku ah sida qiiqa la isugu qariyo ee kolba dhagxaan aan dhameystir laheyn meel-loodhigo ee looga dhaqaaqo ee shacabka loo jaahwareeriyo ayaa waxay soo odorostey oo soo  mala awaashey oo soo dhoob-dhoobtey miisaaniyad aan sogordoh laheyn, been-abuur ah oo cilmi-feleg ah oo  gaadheysa $ 251 Millyan oo doolar ah. Balse la arki doonaa in ay da’yarta Tahriibta ka baajiso !!
.Waxa ay xukuumadani caadeysatay in aaney soo bandhigin kharashka runta ah (actual) ee baxay sannadkii hore si loo ogaado loona naqdiyi karo faraqa (deficit or surplus) u dhaxeeya miisaaniyada mala-awaalka ah (estimate) iyo kharashka runta ah (actual). Mar haddii taa la waayo oo uu xaalku uu iska noqdo miisaaniyad mala-awaL ah +  mala-awaalkii miisaaniyadii sanadkii hore oo hadana la  barbar dhigaayo uun mala-awaalka miisaaniyada sanadka cusub ee soo socda wax qiima ah oo ay ku fadhiyeysaa miisaaniyadaa badan ee been-abuurka ahi ma jireyso.xaalku waa mala-awaal+ male-awaal iyo indho-sarcaad ummadda cod-lagaga raadinaayo mustaqbalka. Arintani waxay kaaga markhaati kaceysaa  in dhaqaalihii wadanka oo la Shan-laabmey sanadka soo socda uu hadana weli yahay mid midabyo badan oo madmadow badani saaran yahay oo aan runta laga sheegin  kaas oo wax-buuran oo la taaban karo wadanka aan u-hilaacin kuna soo kordhineynin, maadaama aan 200 ardey oo qalin jebiyey aan shaqo looga abuureynin.Misaaniyadan been-abuurka ah ayaa xeel-dheerayaasha dhaqaalaha iyo waxgaradka fogaan araga ah caadka uga qaadeysa in dhaqaalaha wadanku uu toobiye khaldan ku socdo dhakhsana uturun-turoon doono maadaama dhinacna laga faganaayo dhinacna, la futeynaayo,dhinacna laga faruuraayo oo uu-seegay oo waayey sadexdii  dhidib ee uu ku taagnaa ee TA-da   ahaa ( Tashiil, Taxliil iyo Turuq).
 
Waxay aheyd intaan wax la soo dhoob dhoobin in  odoroska miisaaniyada loo soo xulo khabiiro iyo xeel dheerayaal debedeed iyo qaar  maxaliba si ay isu maskax tuujiyaan una qaadaa dhigaan ka dibna ay maxsuulka aqoontooda weel ugu shubaan oo ucabsiiyaan hawl wadeenada aan aqoonta buuxda ulaheyn arintan ee madaxa adag ee shaqadan loo igmadey ku yimi qof jecleysiga iyo taajir wasteysiga. Bal aynu  ku soo noqono sadexdeenii TA.inaga oo soo sar kaxaadineyna laakiin sibirta uyara saareyna xogta iyo xaqiiqda dhabta ah ee maanta wadanka Somaliland ka jirta.
 
1- Tashiil- ( saving) Nasiibdaro wadankeenu hada wuu ka aradan yahay oo malaha wax keyd aduun ah oo buuran, waxaana  udaliila duruufaha nololeed iyo sicir bararka marba marka ka danbeeya isa soo taraaya ee cirka isku shareeraaya oo dawladu kaalin teedii ka gaabisey ama ay iyaduba aabe ka tahay oo ay abuurto sida xeerka cashuuraha wadooyinka lagu kordhinayo ee ay sanadkan ansixisey.Tujaarta uus-miirata dhiiga iyo dheecaanka shacabka ee ay xukuumada isku noqdeen milanka iyo meydhanaanka . Nasiibdaro Kadib markii wadanku waayey madax-daacad ah oo samo talis ah oo lexa-jeclo ka leh wadanka oo utudha  sidii wasiirkii hore ee Maaliyada Mudane-Mohamed Xaashi Cilmi  oo taariikh iyo rikoodh wax qabad oo la-taaban karo kaga tegay Wasaarada Maaliyada ee Xukuumada S/land ee hada marin-habowsan ee raqda iska noqotey.
 
2- Taxliil- Waxaa kale oo meesha ka maqan oo dhaqaalaha Somaliland ubaahan yahay xeel dheerayaal qof-jecelysi , iskooxeysi iyo isxaafadeysi ka reeban oo aqoon buuxda u-leh curinta dhaqaalaha oo  soo nidaaamiya oo kantaroola dhaqaalaha iyo hantida maguuraanka ah ee ummadda ka dhaxeeya, ee hada intii Xukuumadani ina hageysey iska noqotey timir xabaal taala, kula lihi iyo kaa lihi, qaado aan qaatee, ku daneyso oo ka daneyso oo  la-faganaayo, la feedhanaayo, la fiiqsanaayo, la fuudaayo oo aad loo  futeynaayo oo si aad ah loo lun-sado oo loo nacasnimo xaadho. Dab-liqa ayaa la idinka yidhi !!!
 
3-Turuq ama (Jump start)  ama Jug uu isku taago si aanu u-liicin oo ululmin,oo uga-lumin tubtii toosneyd ee loogu talo galey,Jugtii lagu istaadhi lahaa dhaqaalaha yar ee Somaliland ayaa isna lala baal marey sida lacagta Dekeda Berbera oo toos Madaxtooyada u-gasha, Lacagaha Haamaha shidaalka oo guryo lagu dhisto,Lacagaha mashraxyada xoolaha, Lacagaha xaqal-qalinka ah ee Malaayiinka ah ee  laga qaado shirkadaha sahamiya shidaalka dalka iyo kuwa baadha ama gurta kheyraadka ma-guuraanka ah ee dalka sida kuwa maraakiibta Kaluunka laga qaado iyo macdanaha kal duwan oo iyana intii ay xukuumadani jirtey aad loogu tagri-faley oo aad loo lun-sadey.
Guntii iyo Geba-Gebodii :  Horumarka dalku waa halbowlaha kowaad ee ummadda , Waxaa hadaba xukuumada Siilaanyo Looga fadhiyaa  In ay ummadda u-cadeyso. faraqaa 5-Laabka ah ee udhaxeeya  miisaaniyadii markii ay xukunka la wareegeen oo ahaa   $50 ka Millyan Dollar iyo kan Imminka ay dhoob-dhoobtey ee ay Mala-awaalatey oo ah$ 251 Millyan ee Doolar, in ay shacabka S/land u cadeeyaan  Mashaariicda baaxada Leh ee ay ugu talo gashey shacabka JSL gaar-ahaan Dhalinyarada shaqo la’aantu ragaadisey, si loo helo rajo buuxda oo lagu nagaado loona arko wax-qabad muuqda oo aan ka aheyn kaanbeyn hor leh iyo qiiqa isku qari oo qawda maqashii waxna haw-qaban.
 
Alleh ayaa mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiinu Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Wa-laahum-aclum Wa-Bilaahi-Tawfiiq.
Qalinkii: A/rahman fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
intensive ED.BD,PA
London– UK