Muj. Cali-Gurey Oo Ka Hadlay Qoyska Cusub Ee Lagu Yagleelay Madaxtooyada “Anigu Ciilka Iyo Cadhada Aan U Qabo Axmed Siilaanyo U Gudbin Maayo Ubadkiisa’e… Qoyska Cusubi Wax Aan Duco Ahayn Igama Mudna”

 Muj. Cali-Gurey Oo Ka Hadlay Qoyska Cusub Ee Lagu Yagleelay Madaxtooyada “Anigu  Ciilka Iyo Cadhada Aan U Qabo Axmed Siilaanyo U Gudbin Maayo Ubadkiisa’e… Qoyska Cusubi Wax Aan  Duco Ahayn Igama  Mudna”

 

Waryaadha u kaadiya! Aniga ciilka iyo cadhada aan u qabo Axmed Silanyo u gudbin maayo ubadkiisa eh. Waayo waxan ogahay oon qirayaa in ilaahay ubad wanaagsan odayga siiyay. Ha iga eegina in aan kala maqaam dhigo Maslax, iyo Cali Shigshigow, iyo Xasan Rubeeti oo ku hoos noola aabahood.
10628472_10152454558388860_6407836051286384325_nHabeenkii uu Axmed Silanyo gurigayga iigu yimi ee aan la saxeexay warqadii xeer ilaalinta ee aanu KULMIYE ku diiwaangelinay maan waydiin magaca ururka laakiin markii aan subaxnimadii soo kacay ayaan ku arkay in la yidhaa KULMIYE anigoo makhaayad bun ka cabayana waxa dhegta igaga soo duushay waxa la yidhi” INANKIISA AYUU UGU MAGAC DARARAY”, markaasaan xusuustay in inamadiisa mid Kulmiye magaciisu ahaa oo berigii Qaaxo ayay mucaaridkiisu ku xaman jireen wuxu ugu magac daray Xuseen Kulmiye Afrax AHN eh. Kolkaan bunkii dhamaystay ayaan guriga ugu tegay abaar  9:00 subaxnimo. Toos ayaan ugu idhi waxa la leeyahay ururka magaca inankiisa ayuu u bixiyaye bal ka waran. Intuu qoslay ayuu yidhi ” Caliyow cidda magaca bixisay in inankayga Kulmiye la yidhaaba may aqoon”. Axmed beenta ma aqoon anna sidii baan ka rumaystay. Kulmiye bal maanta eega oo miyaan Maslax odhan karaa sow ilaahay I qabsan maayo. Saw noqon maayo qof cadhadu indho tirtay wax aan jirin loo sawiray.

 

Qoyska cusubi aniga waxa aan hambalyo iyo Duco ahayn igama mudna. Waxa leeyahay ilaahay ha idinka dhigo kuwii isku raaga ee isku reeya ubad khayr qabana ilaahay ha idin kala siiyo. Aamiin

Qalinka: Cali Maxamed Yuuuf (Cali-Gurey)

Hargeysa, Somaliland