Mujaahid C/raxmaan Daahir caynaanshe ayaa shaaciyey in uu yahay \musharax u taagan doorashooyinka Golaha wakiilada ee Gobolka Maroodi jeex

unnamed

Mujaahid C/raxmaan Daahir caynaanshe ayaa shaaciyey in uu yahay \musharax u taagan doorashooyinka Golaha wakiilada ee Gobolka Maroodi jeex ee dhowaan ka qabsoomi doona dalka J/S land, kaas oo hamigiisa siyaasadeed ee uu ka taagan yahay in uu ka qayb galo tartankan doorashada golaha wakiilada uu yahay mid aad u sreeya kalsooni weyna uu ka qabo in uu ku guulaysan doono ka mid noqoshada golahaas, sidaasi daraadeed mujaahidka oo fariin u diraya shacbiga  soomaali land waxa uu yidhi

Waxaan fariin u dirayaa dhamaan shacbi weynaha Somaliland gaar ahaan shacabka  Gobolka Maroodi jeex waxaan leeyahay run ahaantii shacbigani waxa uu soo maray dhibaato weyn iyo marxalado kala duwan in kasta oo aynu marayno manta meel wanaagsan hadana waxaa xusid mudan in aynu soo maray wakhtiyo xanuun badan oo aanan halkan ku soo koobi Karin waxaana ilaahay mahadii ah inay manta ka hirgashay dimuquraadiyad dhab ahi wadankeena taas oo uu muwaadinkastaa wax dooran karo lana dooran karo shacabkuna si xalaala u dooran karaan qofkay u arkaan in uu dan u yahay

Waxaanan guud ahaan shacabka reer soomaliland gaar ahaan shacabka ku nool gobolka m/jeex leeyahay waa inaad si mugle  uga fiirsataan cida aad dooranaysaan idinka oo aan u eegayn dan gaara iyo dan qabiil toona .

Mujaahidka oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu yidhi .

Waxaan ka mid ahaa mujaahidiintii naftooda u soo huray qaranimada iyo jiritaanka jamhuuriyada Somaliland oo ahayd mid waajib igu ahayd oo ay dalkayga iyo dadkayguba igu lahaayeena ana aan manta u taaganahay inay  codkooda ii huraan

Waxaa kale oo waajiba in aynu u ducayno mujaahidiintii ku waayay naftooda ubadkooduna ku agoomoobeen waxana waajiba in wax la taro ubadkooda xukuumad iyo shacabba

 Alaa mahad leh