MURANKA DHULKA TIYAATARKA HARGEISE EE UU MAAYARKA HARGIEA BIXIYEY WAXA UU ABUURI DOONAA MUSHKILAD IYO ISKU DHAC !!

garaad

MURANKA DHULKA TIYAATARKA HARGEISE EE UU MAAYARKA HARGIEA BIXIYEY WAXA UU ABUURI DOONAA MUSHKILAD IYO ISKU DHAC !!!

Mushkiladii maayarka hargeisa waxay gaadhay in dhismihii “tiyaatarka” hargiesa uu u soo qor waraaq, amar ah in dhulka parkinka ah la siiyey Salaadiinta kala aha

1- Suldaan Saleebaan boqor Maxamed
2- Suldaan Abdiraxmaan Aw-good

Hadda marka loo eego qaab qoraaleedka warqdaasi waxay xiganeysaa amar madaxweyne oo ogolaasho ay ka heystaan muwaadiniita la siiyan ee ah ku xusan warqada

arintana maha markii ugu horeysay ee la maqlo, waxay aheyd bilo ka hor markii ay soo shaac baxday in madaxweynuhu bixiyey dhulkaas , taas oo ay ka howl gareen waxgaradka iyo salaadiinta deegaanka laguna soo afmeeray in aanay waxba ka jirin.

Haddab soo laba kacleynta arintani waxay ifafaalo u tahay in ay ka dabeeyaan rag ganacsato ah oo adeegsanay magaca saladiinta dhulka la siiyey , waxaa ayaan daro ah in maanta aynu ka talaabsano sharcigii dalka, taas oo cadeyneysa qabyaalada qaawan ee ah in ragii kale ee dhulka dowlada la siiyey dhul kale loogu daro halka muwaadinkan intiisii hore la rifayo.

Haddii sharcigii laga talaabsaday waxay keeneysaa in guryo badan la isku qabsan doono, warqada maayarku sida dhibta yar ku qorayna ay sababi doonto in mushkiladeedu qaranka saameyso.

Baaq:
Mudane Madaxweynaha waxaanu kaa codsaneynaa in haddii ay tahay warqadan amar adiga kaa soo baxay in aad dib u eegto, mulkiyada dhulkan laguma qaadan karo sharci daro iyo qalin dowladeed, ummadeenu way istaqanaa siyaabo badan oo wax loo xaliyo ayaa jira haddii xukuumadu ku adkeysato bixinta dhulkaas waxay sababi doontaa in raga dhulka lihi difaacdaan, oo ay noqonto ninkii xoog leh in uu u hadho.

maqaal