M/weyne Siilaanyo Oo Shalay Direeto Cusub Ku Magaacabay Wasiir Xirsi Inuu Yahay Wasiirka Wasiiradda Xili Uu La Shiraayay Mayor-dda Iyo Badhasaabadda Goboladda

maqaal
Waxa Maalintii shalay ee axaddii aynu soo dhaafanay uu kulan ku dhexmaray Qasriga Madaxtooyadda JSL M/weynaha S/land Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Mayora-dda Degmooyinka iyo Badhasaabada 

Goboladda Dalka kulankaas oo lagaga wada hadlaayay arimaha 

Diiwaan Gelinta ee uu beryahanba buuqa siyaasadeed ka taagnaa

Hadaba waxa goobtaas ka soo baxay arin aad uga yaabiyay Ummadda iyo Sharciga Dalka u yaal labadaba

Hadaba waxaynu iswaydiinayanaa weligeen miyaynu araganay M/wayne Sharicga kaga yaabiya

Waxa keenay inuu Sharcigu Yaabo Bal aan idiin Taabto amma Aan idiin guud maree

Waxa tan iyo markii uu Doorashadda ku guulaystay M/weyne Siilaanyo Amaba uu Magacaabay Wasiir Xirsi oo uu jagooyin hore oo aan sharciga Dalka Ku Ool usoo dhiibay laysala dhexmaraayay awoodda wasiirka iyo intay ay leegtahay ee uu ka sareeyo wasiiradda Dhigiisa ah 

Taasi waxay xan iyo nuxnux ku jirtaba oo kor iyo hoosba loo faaleeyo

waxay qaadatay muddo 4sanadood iyo qusuurra inuu Siilaanyo u cadeeyo wasiir Xirsi Inuu Yahay Raysal wasaare

markii uu shalay Wasiir Xirsi qudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Shirkii uu M/waynuhu la lahaa Mayoradda Iyo Badhasaabadda 

Qudbadaas Wasiir Xirsi Markii uu dhameeyay ee gunaanadkii hadalka

ayaa sidii caadadu ahayd waxa hadalkii qaatay M/weyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxana uu isla Goobtaas Ka Sheegay M/weyne Siilaanyo oo uu hadalkiisii ku bilaabay sidaa wasiirka wasiirraddu yidhi iyo waxa hadalkii dhameeyay wasiirka wasiirradda

arintaasina waxay noqotay in wixii uu Siilaanyo Bulshadda in mudo ah ka qainaayay inuu halkaas shalay kaga badheedhay

Markay sidaas tahay waxa yaabay Sharicigii oo aanu meela kaga ool wax la yidhaahddo Wasiirka wasiiradda sidoo kale waxa yaabay Ummaddii Reer S/land oo iyaguna la yaaban jagaddan cusub ee loo magacaabay Mudane Xirsi Cali X Xasan Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda 

waxana hore u jirtay inuu Mudane Siilaanyo Xirsi ugu magacaabay xil dadku akhriyi kari waayeen ayaamo dhana laga baadhaayay dhishiineriyadda Siduu u qormmo

by Sacad Cali Kaahin Raamalay Sacad plucky

Qalin Ku Difaac Group