Qaramada Midoobe oo ka hadashay xariga Suxufiyiinta loogu geystay Magaalada Muqdisho

image

Qaramada Midoobe, ayaa waxay ka hadashay xadhiga loo geystay tiro ka mid ah Suxufiyiinta degan Magaalada Muqdisho iyo xadhiga laba ka mid ah Idaacdaha, sida weyn looga dhageysto Xarunta Somaliya.

Afhayeenka u hadlay Xafiiska Qaramada Midoobe ee Somaliya Steven R. oo Saxaafada kula hadlaayay Magaalada New York ee dalka Mareykanka, ayaa wax looga weydiiyay xadhiga Suxufiyiinta iyo Idaacadaha, wuxuuna sheegay in mar sii horeysay ay kala hadleen Dowladda Somaliya.

Afhayeenka wuxuu sheegay in Xafiiska UNSOM uu xadhiga Suxufiyiinta ka wada munaaqashoodeen Madaxda Dowladda, balse loo sheegay in baaritaano ay ku soconeyso.

Wuxuu walaac ka muujiyay ku xadgudubka Sharciga, iyadoo Dowladda Somaliya uu ugu yeeray inaanay caburin Saxaafada xogta ah ee ka jirta Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Dhanka kale wuxuu soo dhaweeyay in Hay’adda Nabad Suggida ay dib xoriyadoodu u siiso Shaqaalaha Idaacadaha Kulmiye iyo Simba, isla-markaana ay ku guuleysteen inay dib u shaqo bilaabaan.

Dowladda Somaliya waxaa xilligaan u xidhan afar ka mid ah Suxufiyiinta ka hawlgasha Magaalada Muqdisho, oo uu ku jiro Milkiilaha Idaacada Shabelle C/Maalik Yuusuf Maxamuud.

Dowladdu waxay ka cago jiideysaa inay si rasmi ah Maxkamad u horkeento Suxufiyiintaan, xilli toddobaadkii saddexaad ay 3 ka mid ah u xiran yihiin. Waxa ayna xaalad adag oo xagga nolosha ah ay ku timid qoysaskooda.

Salaanmedia/Mogdisho