QM oo jawaab ka bixisay Xadhiga Suxufiyiinta Shabelle iyo Idaacadaha la Xidhay

image
New York (SM)- QM ayaa markii ugu horaysay waxa ay jawaab ka bixisay Xadhiga Suxufiyiinta Shabelle iyo Weerarada ay Ciidamada Dawlada u geysteen Xarumaha Warbaahinta ee Magaalada Muqdsiho.

Afhayeen u hadlay QM oo la yiraahdo Stevan Tugarik ayaa yiri waxaan idiin xaqiijin karaa in Xafiiska QM ee Soomaaliya uu la kulmay Masuuliyiinta Dawladda, Ururka Suxufiyiinta iyo Xubno kale si uu ugala hadlo Xarigii dhawaan loo gaystay Suxufiyiin iyo Xarumo Warbaahineed, waxaan soo dhaweynaynaa in la sii daayey si isku xig xigta Suxufiyiin la xiray dibna ay u hawlgaleen Idaacado la xiray, laakiin waxaan carabka ku adkaynaynaa baahida loo qabo in Sharciga uu shaqeeyo isla markaana la dhawro xaquuqda Afarta Suxufi ee Shabelle ee weli xiran.

Afhayeenka u Hadlay QM ayaa hadalkiisa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo weli ay Xiran yihiin Suxufiyiinta Shabelle iyo Sky FM muddo ku dhaw Bil, iyagoo kula xiran Godka Jilacow iyo Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Suxufiyiinta Shabelle iyo Sky ee xiran ayaa kala ah Gudoomiyaha Shabakada Warbaahinta Shabelle Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud, Agaasimaha Sky FM Maxamuud Maxamed Daahir (Carab) Madaxa Wararka Shabelle Maxamed Bashiir Xaashi iyo Ku xigeenkiisii Axmed Cabdi Xasan.

Xigasho: VOA