QURBA JOOGA XISBIGA MUCAARIDKA AH EE WADDANI OO QAADACAY DIWAANGELINTA MADANIGA AH EE DHOODHOBKA AH

Faysal
Waxaan salaamayaa dhamaan akhrisayaasha sharafta leh, waxaanaan ku salaamayaa salaanta Islamaaka ee ASALAMU CALAYKUM,

Waxaan warbaahinta ku arkayay qolooyin Wasiiro aha oo isku deyaya inay jawaab ka bixiyaan distoorki uu jebiyay Madaxwaynihii Qaranka ee u xil saarnaa inuu ilaayiyo Distoorka , ka dib markii uu ku dhawaaqay Risal wasaare ama Wasiirka Wasirada mudane Xirsi Xaji Cali arintaas oo ah arin distoor jebin.
1. Wasirka madaxtooyada oo isagu dafiray oo yidhi mabuu odhan madaxwaynu aniguna ma ihi wasirka wasirada 
2. Wasiraka Boostaduna wuxuu yidhi waa kama, Madaxwaynuhu wuu iska ciyaaray oo kaftan bay ahayd.
Waxaan aad iyo aad uga xumahay in masuul qaran dafiraadda intaa leeg iyada oo warbaahinta ay dawladdu gacanta ku hayso soo tebiyeen in la yidhaado ma jirto waa ayaan darro, waxaa ta ka sii daran masuulka yidhi kama bay ahayd iyo madaxwaynhuu wuu kaftamayay miyaanu ogayn masuulkani in wixii madaxwaynaha ka soo baxaa ay tahay direeto oo maanta haddii uu ka hadlo gooni isu taagga Somaliland aan lagaa aqbalayn wuu iska ciyaarayay iyo wuu kaftamayay.
Mudane wasir miyaanad ogayn in uu eryada kaftan, kama, halmaan,ciyaaar ay ka xaaransanyihiin luqada siyaasada.
waxaan leeyahay falaadhi gilgilasho kama godee umaddu waxay sugasaa distoorkan la jebiyay eeka warama oo umadda qanciya oo wax u sheega anigu wasirka wasirada ma ihi qancin mayso ee dadwaynaha wax u sheega.
 
Waxaa ayaandaro labaad ah in wasiirkii Amniga dalka masuulka uga ahaa lagu eedaynayo inuu Amni darro ku kacay sharcigina gacantiisa ku qaatay oo uu ka danbeeyay afduubkii tafatiraha Oodawyne Cabdshukur Heersare oo ah nin dhalinyaro ah oo  kow ka dhilinyarad u halganta saaxaafada xorta ah.
 
QORSHAHA XUKUMADU UGU TALAGASHAY DIWAANGELINTA MADANIGA;
1 Waxay xukumadu isku xidhay taysarada iyo kaadhka cod bixiyaasha, taas oo macneheedu yahay inay xukumadu iyadu masuulka tahay taysarada, cidii taysarada haysatana ay qaadanayso kaadhka cod bixiyaaysha , qofaka kaadhka cod bixinta hasta uun u codanayo doorashada, taas oo u dhiganta inay xukumadu leedahay awooda tirada codanaysa, iyo goaanka qofka codanay doorashada  isla markaana ay kula tartamayso doorashada  waxaana meesha ka baxaysa kaalintii komishanka doorashooyinka  ee dhexdhexaadka ka ahaa oo iyagu  noqonaya magac u yaal,  waxaa kale oo jirta inay xukumadu gacanta ku haysto tiro 400,000 oo  taysaro oo la doonayo in lagu buxiyo magacyo aan jirin si loogu qaato 400,000 kaadhka cod bixiyayaasha laguna codeeyo oo dad aan jirin u codeeyan tiradaas oo la sheegayo inay qaybsadeen golaha wasiradu una kala heleen sida ay u kala tunka waynyihiin oo dabcan uu raisal wasaaruhu iyo madaxwayn ku xigeenku ugu tiro bateen , waxaa kale oo la raba in taysarooyinka iyo goobaha laga qaadanay lagu yareeyo degaanada mucaaridku ku awood badanyshay loona sad buriyo deeganad a xukumadu awooda ku leedahay.
Tusaale Degmada Oodwayne waxaa la qaybinayaa 10,000 taysaro, waxana laga buxinayaa 40,000  oo taysaro oo kale oo aan jirin taas oo hadhawto 50,000 oo kadhka codaynta la sinayo oo macneheedu noqonay in 10,000 oo qof u codeeyan mucaaridka 40,000 oo bug ahina u codeeyan xukumada.
Arimahaas iyo ujeedooyin kale oo dhaqaale raadis ah baa ka danbeeya arintan diwaangelinta Madaniga sidaas dareedeed
HADDII AANU NAHAY QURBA JOOGA TAAGEERA XISBIGA MUCAARIDAKAH EE WADDANI WAXAN SI MUG LEH U TAAGEERSANAHAY QADACAADAAS AY KU DHAWAAQEEN LABADA XISBI EE MUCAARIDAK AH EE UCID IYO WADDANI.
 
Xukumadan waxaanu leenahay ma soconayso qorshan aad rabto inaad ku musuqmaasaqdo codka shacabka ama cod boobka ah  waxaanay la mid tahay isku daygii hore ee ahaa in dalkan qasmo, iska horkeenka shacabka, colaad dhacda oo intuba suro geliwaayeen oo uu diiday shacabka xariirta ah ee Somaliland, waxaanaad ugu fashilmaysaa sidii kuwii horeba u fashilmeen.
 
Dhamaan taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ee Waddani debed iyo gudebe waxaan u soo jeedinayaa inay u diyaar garooban dibad baxoyo aan kala go lahay ee SAAXTU TAXRIIR AMA TAHRIR SQUARE. 
ALLA MAHAD LEH
Faisal Farafidiye 
waddaniga dhabta ah