Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay xiisada colaadeed ee ka taagan Gaalkacyo

image

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta ugu baaqay maamulada Puntland iyo Galmudug inay wadahadal ku dhammeeyaan khilaafka duullimaadyada diyaaradaha ee Garoomada Gaalkacayo, isla-markaana laga fogaado wax kasta oo dhaawacaya nabadda iyo wada noolaanshaha dadka degaanka.

Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in guddi wasiirro ah uu u xilsaaray inay ka hawlgalaan khilaafka Gaalkacyo, waxana guddigaasi uu xiriir la samaynayaa madaxda labada dhinac si loo debciyo xiisadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xiriir la sameeyey madaxda Puntland iyo Galmudug oo ay si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha khilaafka, isagoo ku dhiirrigeliyey in si nabad ah loo soo afjaro muranka ka dhashay xayiraadda duulimaadyada rayidka ah.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo soo dhoweeyey ifafaalaha isfahanka ee labada dhinac ee ku aaddan joojinta xiisadda iyo aqbalidda wadahadal lagu soo afjarao khilaafka ayaa soo saaray baaq ka kooban shan qodob:

1. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Puntland iyo Galmudug inay joojiyaan wax kasta oo keeni kara xiisad colaadeed;

2. In shuruud la’aan la fasaxo dhammaan adeegyada duulimaadyada ee degaankaasi;

3. In dhakhso la bilaabo wadahadal lagu dhammaynayo khilaafka garoomada;

4. Xukuumadda Federaalka waxay ballanqaadaysaa inay fududeyso qabsoomidda wadahadalka iyo dhamaystirka khilaafka labada dhinac;

5. Xukuumaddu waxay u dirtay labada maamul guddi khuburo ah oo kala shaqeeya arrimaha farsamo ee duullimaadyada.

Salaanmedia/Moqdisho