REER AWDAL 9 SANO OO DALKA MAX KA AHAAYEEN YAA LA XISAABTAMAY

REER AWDAL 9 SANO OO DALKA MAX KA AHAAYEEN YAA LA XISAABTAMAY

 

 MAQAAL

Waxaa wax la yaabo ah reer awdal oo dalka 9 sano xukumayeen oo aan cidi juuq ama la xisaabtamin oo cid wax ka tidhina aynaan jirin haday tahay beesha dhexe ama beelha kale ee darfka bari ha ahaatee.

Waxay cabanayaan mudo 4 sano oo xukuumadani hayso oo waxay ka qabatay gobalka awdal ay ka badan tahay isu gayn intii xukuumado soo martay oo dhan

Waxay ku tagri faleen awooda ugu saraysa ee dalka waxaaa taa raacda reer awdal waxay dalka 23 sanadood ahaayeen madax wayne ama ku xigeen taas oo aanay xaq u lahayn haba yaraatee

waxaa wax lala yaabo ah beesha sidaa dalka maamulkiisa ugu saraysa haysata ee hadana cabanaysa

ka sii darane waxaa wax laga xumaado ah xiliga ay ku soo beegeen cabasha dooda

oo aan ahayn u tudhid ay dalka u tudhayaan,waxaa kaloo wax lala yaabo ah kuxigeenka wadani mr Ahmed muumin seed oo shalay ku tiraabay gudigii madax waynuhu u saaray ee xaqiiqo raadinta ku salaysan inuu ku sifeeyey meel kadhac hadaba waxaad moodaa beesha reer awdal inay wadaan ficil ku macaash,

waayo haday u tudhayaan dalkooda iyo dadka reer Somaliland may ahayn inay ku dayaan beesha dhexe oo aad moodo inay isku dharari nayaan

ama ay is faro leeyihiin mana lihi xaqooda ha la duudsiyo hadaba waxaa is waydiin leh reer awdal ma garbaa iyagoo og inaan looxmaxfuudka loogu dhigin 23 sano oo ay halka ugu saraysa dalka ka fadhiyaan inay hada cawdaan,waxaa taa keenay beelaha bariga Somaliland oo kaalintoodii baneeyey waayo mabay heleen halkay manta haystaane

waa hadii xaqa la sheegayee waxaa beesha reer awdal ay hada dawlda ku leeyihin waa sidan

1-    Madax wayne ku xigeen

2-    Wasiirka boosaha iyo is gaarsiinta

3-    Wasiirka beeraha

4-    Wasiir u dawlaha arimaha dibada

5-    Wasiirka xidhiidhka golayaasha iyo tignolajiga

6-    Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada

7-    Wasiirku xigeen waxbarashada

8-    Xisaabiyaha guud vee qaranka

9-    Agasimaha guud ee macdanta iyo tamarta

10-                       6 janan oo ciidama ah totalka janadu waa 14 janan dalkoo dhan.waxaan ka tagay baa badan oon dib u soo shiigi doono

Gaba gabadii waxaan odhan lahaa reer awdal dad dalka idinla leh oo aan wali qadayn baa jira ee hadaad qado hesheen ha la iimaasado.

 

 

 

 

 

Qalinkii

ENG:Ahmed Jama Maxamud (xoog)

Xogagaal29@gmail.com