Reer Booramoow Runtu Ma Fantaa! By Ayaan Mohamed

New-Picture4-300x239

Ugu Horeyn waxaan halkan manta is dultaagi doonaa caqabadaha ku soo kordhay mar marka ka danbeysa magaalada tan Boorama Akhriste-yaal aniga oo ah Aqoon yahan ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa waxaan u kuur galay in aan wax ka ogaado taariikhdii dheerayd ee ay soo mareen Dadka ku abtirsada Beelaha Gadabuursi halkaas waxaa iiga cadaatey in ay ku soo wada noolayeen Been iyo Khiyaamo aan sal iyo Raad lahayn hadaan tusaale soo qaato waxaa ka mid ah Beesha Gadabuursi waa Beel aad u balaadhan oo dagtey 3 Wadan kuwaas oo kala ah Sida Somaliland,Ethiopia iyo Djibouti ay gabi ahaanba saami cad ay ku lahayn ee ay ugu nool yihiin sidii xayawaanka Geedaha ku dul nool oo kale waxay sidaas ku noqdeena ay tahay in haba yaratee aysan jirin shayga ka yiraa Daacadnimo oo ay kuwada socdaan Khiyaamo iyo Boob.

Waxa kale oo aan ka wax ka iftiimin doonaa koooxaha ku jira lacag urursiga xaaranta ah ee sida tuugada ah uga dhex ugaadhsada masaakiinta iyo hooyooyinka xaabada madaxa ku sita ee aan ogayn meesha ay ku dhacayso lacagaha tuugada ah ee sida sharci darada ah loo urursado Magaalada Borama Tusaale ahaan waxaan soo qaadan doona 2 kamid ah Kooxahaas aan kor ku soo sheegay waxay kala Yihiin sida tan.

1-ASARDA

2-ARDAA

Asarda waa urur laga aas aasay dalka gudihiisa gaar ahaan Magaalada Borama micnaha loo aasaaseyna ay ahayd in lagu dhiso wadooyinka magaalada ka baxsan sida wadada isku xidha Dila iyo Boorama oo sic ago jiid ah ku dhamaatey socoteyna mudo 4 sano ah waana wadadii ugu  gaabnayd taas oo socotey mudo 4 sano ah dhinaca kale waxaan is weydiiyey ASARDA ayaa la xisaabtama ma jiraa gudi dhexe oo lacagahaas malaayiinta doller ah ee laga soo ururiyo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ee aan la garanayn  meel ay ku dhaceyso iyo shaqsiyaad ay gacanta u galayso waxaan is weydiiyey sidan

Lacagaha la ururiyo ma Gudi dhexaa jirta oo la xisaabtanta

Jawaabtu waa maya Waxaa jirta xisaab la’aan ka dhextaagan ururka wadooyinka ee ASARDA oo ah mid aan gabi ahaanba aan lala xisaabtamin waxa soo gala iyo waxa ka baxaa oo sanduuqooda dahabshiil ay buux dhaafisay lacagaha ka soo gaadheysa jahliyada reer awdal iyo cidii kale ee wax ku darsata wadooyinkaasi ayaa aysan muuqan wax xisaabtan ah oo ka muuqdaaysan jirin  waxaa gudoomiye cusub loo magaacabey xasan cali oo ahaa nin mudo ku noolaa dalalka carab oo  wax ku bartey dalka gudihiisa xasan markuu mudo joogey waxa madaxweyne siilaanyo u magaacabey gudoomiyaha wakaalada wadooyinka Somaliland wuuna ka aqbaley xasan xilkaasi loo magaacey si fiicana wuu u soo dhaweeyey xafiiskiina sidaadi ayaa loogu wareejiyey xasan wuxuu ka diidey masuuliyiintii kawada tirsanaayeen ururkasi inuu xilka iska wareejiyo uu u hayay ururka ASARDA ,dabadeed xasan waa uu diidey inuu wareejiyo wuuna ka dhago adeygey taladaasi ay mas’uuliyiintu u soo jeediyeen mudo ka bacdi ayaa la siku soo laabtey oo xasan loogu baaqey inuu xilka soo wareejiyo wuxuu xasan ku xidhey maamulkii ASARDA inay  sii yaan Kharash dhan 120000 Dollerka marakaykan waxaa maalintii ay kulmeen xubnuhu gacanta looga dhiibey 80000 Doller dabadeed maalintii xil wareejintiina waxaa gacan ay kaga rideen lacag dhan 40000 doller sidaas ayuu kaga wareegey xilkii uu u hayey ASARDA waxaanu si toosa ugu wareejjiyey nin lagu magacaabo Abdilahi Xaji Ciise oo hada ah Gudoomiyaha Ururka ASARDA .Markaasi waxa jirta in mashruuc a wadooyinka uu madax weynuhu siin doono dhiska wadada u dhaxeysa Borama iyo Boon oo ah 57 kiilo mitir madaxweynuhu waa in uu ka fiirsadaa arinataas oo aan lagu dagdag dagin siinta mashruucasi.

Maxaa Lagu Qabtaa Lacagahaasi Laga Soo Ururiyo Dalka Gudihiisa Iyo Dibadiisa?

Hadii si guud aan u dulmarno halka ay marto lacagta aadka u tirada badan ee ku soo dhacda Sanduuqa hay’ada Wadooyinka ASARDA Malaayiin doller ayaa lagu soo caawiyey asarda cid xisabisa oo ka war haysaa aaney jirin lacago intaas ka badana ilaa maantaada aan taaganahay way soo dhacdaa lacagtaasi dadweynuhu waa inay ka taxadiraaan ragan loo dhiibey meesha oo ah rag ganacsadayaal ah oo dantooda uun eegaya e eta dadweyanaha aan u danayneyn oo jeebka ku shubayaa wixii soo gala oo ganacsigooda ku sii kordhisanaya wixii soo gala nimankaasi halala xisaabtamo hadaad kalmada xisaab baa ad soo hadal qaado diriiqa ayay kaaga leexanayaan ragaasi gabi ahaantoodba meesha waxaan la aamini Karin dadku wa ganacsade oo ah shakhsi aan lagu aamini Karin lacag aan la xisaabin meel ay ka timid iyo meel may ka socoto,ASARDA gudi soo baadha ooo lasoo xisaabtanta haloo saaro ragani danaysiga u socda dawladuna ha ka joogto arinkaasi ay u balan qaadey ASARDA intii gobolka ayaa tayo xumo iyo burburka wadooyinkii hore ee ay dhiseen oo aan ahayn kuwo tayo leh oo roobabku durba baabiiyeen oo aan dhaamin rafkii hore loo mari jirey bal dad weynuhu haka fiirsadaan ururkaasi ASARDA ee dadka lagu baadho qalabkana si dagdag ah ha looga wareejiyo sobobtoo ah waxey galeen dambi qaran waana qaran dumis ragaasi ku bahoobey boobka iyo burburka shacabka gobolada awdal iyo salal oo ay masuuliyiin lagu tilmaami Karin ragaasi arinkaasi dadka fanka ku soo bixiya iyo qaadhanka gaar ahaan qurbo joogta waxaan faraayaa in aanay lacagtooda qasaarin oo ay wax cad ku bixiyaan ilaa la samaynayo talaabo sharci waxaa hargeisa jirta company ku xeel dheer dhiska wadooyinka casriga ah oo hargeisa laga sameeyey waana companiga dhisay wadada hormarta Guriga Madaxweynaha Somaliland Ama meesha loo yaqaano Madaxtooyada looga taliyo Somaliland qofkii wado garanayaa wuu u bogi doonaa tayada ay leedahay wadadaasi oo ah mid si casriya looo dhisey madaxweynuhu hadii uu wax qabad wanaagsan oo muuqda rabo waa inuu companigaa wadooyinka hargeisa dhisey loo dhiibaa mashruucan danbe ee Borama ilaa Boon oo ah 57 Kilo Mitir.

Akhriste aan u noqdo halkaas iyo dhinaca Ururka kale ARDAA ururkan oo la aasaasey 2011 waxaan lagaga dhawaaqey dalka dibidiisa lakiinse uu xadladii furitaankiisu u ka qabsoomey Magaalada Borama waxaa ku bahaoobey Beel-waynta Reer Awdal Dal iyo Dibadba waxaanu ahaa micnaha loo furey in lagu dhiso Dekada Lughaya oo ah mid aad u mihiim ah in dad-weynaha Reer Awdal Furtaan si ay ula jaan qaadaan dunida inteeda kale.

Hadaba waxa aan isdul taagi doona  Halka ay marto lacagaha laga soo ururiyo Dadweynaha Reer Awdal meelkasta ha jogaane su,aasha labaad ayaa ah Maxaa lagu qabtaa lacagaha soo xerooda ee  ururka sanduuqiisa ku soo dhaca yaase,lacagta ARDAA ay ururiso yaa damaanad qaaadey,maxaase ka hortaagan in la sameeyo Guddi dhexe oo dadka oo dhan wada matalaya marka aad eegto qaabka loo ururinayo lacagta ARDAA waxaa ururiya haween kaliya Wadaadkiina halka danbe ayuu u fadhiyaa taasina ay dadku ka gilgishaan sidii loo hagaajin lahaa arimahan sida sharci daradaa loo isticmaalayo.

Akhriste maxay culumadu uga hadli laayihiin gaar ahaan Imaamada Masaajidada,Cuqaasha,Wax Garadka iyo Garabka Haweenka iyo Aqooon yahankabu xaaladaha noocan oo kale eek u soo badanaya  G.Awdal waa wax inagu cusub Mafio yadan soo koradhey ee khaatiga laga taagan yahay waa in dhinac laga wada istagaa oo laga gilgishaa arimahan noocan oo kale ah si loo hagajiyo arimahan danta guud ah ee shaqsiyaadku sida gaarka ah u isticmalayaan ee waliba wixii lacag ahna jeeb shakhsi toos ugu dhacayso.

Anigu kama soo hor jeedo in wax lawada qabsado lakiinse waxan rabaa in si daacadnimo iyo walaalnimo ku jirto wax loo wada qabsado shilinka laga soo ururiyo hooyoyinka Tunka Xaabada ku sida loona cadeeyo oo si cad loo tuso lacagihii laga soo ururiyey halka ay marayaan iyo waxa lagu qabtey taasina ay tahay ta keeni karta horumarka Dalka iyo Gobolkanba.

Allaa Mahadle

By Ayaan Mohamed

Contact: AyaanMohamed777@gmail.co