SARA KIISHII CIIDANKA EE LA LAAYEY MA LOOMA OOYAANBAA

  ASSALLAAMU CALEYKUM  WARAXMATULLAAH

MAQAAL

 

Sallaantaa islaamka ka dib manta qalinka uma qaadanin  in aan faalo dheer galo iyo in aan wax aydaan ogeyn soo dhigo bogaga warbaahinta laakiin waxaan doonayaa  bal in aynu is weydiino maxaa kelifey in aanay xukuumadda  JSL ka hadlin dilkii saraakiishii ugu sareysey ciidanka qaranka ee inaga hor joogey cadawga heegankana u ahaa in ay naftooda teena ku badbaadiyaan oo aynu ku seexanno nabad qab iyo isku hallayn guud ahaanba geyiga  JSL koone illaa koone inaga oo illaahay ka sokow isku halaynayna ciidan keena qalabka sida iyo madaxdooda u dhaartay in cadaw nooc kasta oo uu yahayba aanu cag soo dhigin ciideenna lagu xoreeyey dhiigii dad lagu qiyaaso 500 000 shan boqol oo kun laguna waayey hantI aanan koley manta anigu qalin iyo warqad kusoo koobi karaynin nin kasta oo is yidhaahda soo koobna aanay u suurto gal ahayn in uu si kama danbays ah u dhamays tiro oo run ka sheego qiyas iyo male awaal mooyaane,

 

 hadaba akhriste billaahi caleek miyaanay maskaxdaada ku soo dhacaynin su,aalahanu hadii aad tahay muwaadan dhab ah

1 waxa la diley taliye guuto  saddex digle maxamed yuusuf  iyo dagaal geliyihiisii guutadaas xidigle jaamac bidaar  ILLAAHAY LABADOODABA HA U NAXARIISTEE  hadaba marka aad eegto sida ay dawlladu u qiimaysay ama halka ay iska taagtey geerida saraakiisha ciidanka miyaanad is odhan karaynin      waxa lagu laayey madaxdaas dil qorshaysan ????????????

 

 

2 miyaanad is weydiinaynin ninka laayey madaxdii ciidanka siduu u baxsan karaa????????

3 miyaanad is weydiin karaynin miyaanay madaxdu lahayn illaalo u gaar ah??????????????

4 miyaanay maskaxdaada ku soo dhacaynin maxaa maydad kii saraakiisha loo keeni waayey magaalo maddaxda dalka si loogu sameeyo baroor diiiiq?????????

 

 

5 Miyaanad ku mashquulin maxaa sababay aamusnaanta dawllada aan idhaahdee xukuumadda laga bilaabo madaxweyne, wasiir gaashaan dhig ,wasiir daakhili, afhayeen madaxweyne, iyo wasiirradii guuxooda ka dheereyn jirey sida dayuuradaha concord  ee meel walba ka dhawaaqi jirey????????

 

 

Intaas oo dhan marakaad eegto ee aad arkayso dhiigii shalay oo taariikhdu ahayd 19/09/2014 jimce xasuuqii  ay xukuumadu ku daadisay gebiley loogana dhigay axan iyo fidde saraakiishii inaga dhimatay miyaanad ku qancaynin in ay madaxdii ciidankeena  ee la laayey ku abtirsanayaan magacii xiligii faqashta ee ahaa 

 

 

                    LOOMA OOYAAN   

                   ALLAA MAHADI U SUGNAATAY

                                  XUSEEN XRSI CAAMIR 

                              inacaamir1960@hotmail.com