Saraakiil ka socoto Wasaarada Arrimaha Gudaha Sacuudiga oo soo gaadhay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

image

Saraakiishaan, ayaa waxay Magaalada Muqdisho kula kulmeen afar ka mid ah Golaha Wasiirada ee Xukuumada Somaliya, waxayna ka wada hadleen arrimo ku aadan mashaariicda uu Sacuudigu ka wado Somaliya.

Wefdigaan waxaa horkacaayay Madaxa Guud Mashaaruucda ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga Mubarak Sa’eed Al-Baker, waxaana Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliya iyo Madaxa Ururka Islaamka (OIC) ee Somaliya.

image

Gaba gabadii kulanka, ayaa waxaa Saxaafada si wada jir ah ula hadlay Wasiir Ku XIgeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliya C/raxmaan Maxamed Bankax iyo Mubarak Sa’eed Al-Baker.

Wasiir Bankax waxa uu si diiran u soo dhaweeyay socdaalka Masuuliyiinta ka socdo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Magaalada Muqdisho, iyadoo dhinaca kalana uu sheegay in Sacuudiga iyo Somaliya, ay yihiin laba dal oo arrimo badan wadaaga.

Wasiirka, ayaa xusay in masuuliyiintaasi ka wada hadleen arrimo ku aadan hawlaha mashaariiceed ee Sacuudigu uu ka fulinaayo Magaalada Muqdisho, inkastoo aanu sheegin taageerada Sacuudiga halka ay gaarsiisan tahay.

Mubarak Sa’eed Al-Baker, ayaa ku waramaaya in Sacuudigu uu xoojin doono doorkiisa waxbarashada ee Somaliya, isla-markaana ay maalmaha soo socdo sii jooggi doonaan Magaalada Muqdisho.

Sa’du Suweyt, ayaa waxaa lagu wadaa in dhawaan uu la wareego jegada Madaxa Guud Mashaariicda Dowladda Sacuudi Carabiya. Waxa uuna ka mid ahaa wefdigii maanta soo gaadhay Magaalada Muqdisho.

 

Salaanmedia/Mogdisho