SARAAKIIL SAR SARE OO KA TIRSAN GUUTADA 17AAD CIIDAMADA QARANKA AYAA LAGU TOOGTAY XERO U DHAW QORILUGUD

image

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Deegaanka Qorilugud oo ka tirsan Gobolka Buuhoodle ayaa lagu so waramayaa in goor dhaweyd lagu toogtay Taliyihii hawl gelinta Guutada 17-aad ee Ciidanka Qaranka Jaamac iyo Abaandulihii Ciidankaasi Maxamed Yuusuf.

Wararka aanu helayno ilaa iyo hada ayaa sheegaya in Taliyaha hawl gelinta guutada 17aad iyo abaanduulaha uu toogtay Askari ka tirsan Ciidamada Qaranka oo lagu magacaabo Dalab Afcase ka dib markii uu hore u galay danbi ciidan islamarkaana lagu xidhay xerada dhexdeeda xadhigaasi oo qaatay mud gaadhaysa 17-cisho, markii galabta soo daayey askarigaasi uu si badheedha u toogtay Taliyihii iyo Abaanduulihii.

Sida aanu Waraka hordhacaa ku helano waxaa markii uu dhacay falkaasi meesha ka baxsaday Gacan ku dhiiglihii toogtay Saraakiishan Ciidamada Qaranka, balse wali lama xaqiijin in lasoo qabtay iyo in kale, ilaa iyo hada wax hadali kama soo bixin Jananka guud ee Ciidamada Qaranka JSL, Dhacadadan ayaa ku noqonaysa mid ku cusub Ciidamada Qaranka JSL lamase garanaayo talabada ay qadi doonaan Hogaamada guud ee Ciidamadu.

Salaanmedia /Burco