Sheekh Caan ah oo xalay lagu dilay Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan

NEWS N

Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxo hubeesan oon heebtooda la garan xalay Magaaladaasi ku dileen mid kamid ah Wadaada ku dhaqan Magaaladaasi.

Goob joogayaal ayaa ku waramay kooxo Biskoolado ku hubeesan in ay toogteen Macalin Wardi Saalxeey oo kamid ahaa Culumaa’udiinka ku dhaqan Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Kooxihii dilka geestay ayaa dilka kadib goobta isaga baxsaday, Ciidamo katirsan Dowlada oo gaaray halka uu dilku ka dhacay ayaa ku guuldareestay in ay gacanta kusoo dhigaan kooxihii dilkaasi ka dambeeyay.

Ma jiro wali cid sheegatay Masuuliyada dilka loo geestay Wadaadkan caanka ka ahaa Magaalada Baladweyn, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in la dilo Macalin Wardi Saalxeey .

Salaanmedia/Moqdisho