Daawo Muqaal..Sheekh Cali Dheer oo si aan looga baran uga hadlay Geerida Axmed Godane iyo dardaaran oo uu u diray Alshabaab

Afhayeenka Xarakada Alshabaab oo shir Jaraa’id ku faah faahiyay Geerida Hoggaamiyihii Kooxda Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr, ayaa waxa uu ka hadlay Arrimo dhowr ah, isagoona si dhab ah u xaqiijiyay in Geerida Axmed Godane oo dhowr maalin lagu jahwareersanaa.

Sheekh Cali Maxamuud Raage ‘’Sheekh Cali Dheere’’ ayaa shirkiisa Jaraa’id uga hadlay arrimo muhiim ah isagoona shacabka Soomaaliyeed u sheegay in Dagaalka iyo duqeymaha lala daba taagan yahay ay sabab u tahay waxa uu ugu yeeray Jihaadka sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka ayaa ku dheeraaday ka hadalka Taariikhda Abuu Zubeyr wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Alshabaab iyo hoggaankoodu ay ku taagnaan doonaan wadadii Abuu Zubeyr uu uga geeriyooday, Sida uu hadalka u dhigay.

Cali dheere, ayaa waxa uu Dagaalamayaasha u sheegay inay iyagu yihiin kuwa ku taagan wadada loo baahan yahay, isagoona ugu baaqay inaysan ka laba-labeyn Hadafkooda ay ku muujinayaan la dagaalanka dhinacyada kasoo horjeeda.

Sheekh Cali Dheere, ayaa waxa uu soo hadal qaaday Dagaalada lagu hayo Muslimiinta ku nool Deegaanada Harar iyo Mambassa, wuxuuna wacad ku maray inay ka dul qaadi doonaan waxa uu ugu yeeray Gumeystaha, sida uu hadalka u dhigay.

‘’Guud ahaan Mujaahidiinta Caalamka waxan ugu niyad qaboojineynaa in Jihaadka aanu u turan-tarooneynin dilka Sheekh Abuu Zubey, balse wuu ku bulaali doona insha allah, diinteenu waa baaqi waxaana ku qoran guul lahubo, shareecadeenu maahan Fikrad qof uu lahaa oo markii uu geeriyoodo meesha ka baxda, ama la tabo marka uu maqnaado, waan heysanaa diin iyo Caqiido adag’’

Dhanka kale, Cali Dheere oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in Hoggaanka Alshabaab ay u doorteen Axmed Cumar Abuu-Cubeyda, isagana ay uga danbeyn doonaan wax waliba ee Khuseeya Alshabaab.

Haddalka iyo Shirka Jaraa’id ee Afhayeenka Alshabaab Cali Dheere, ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo ay DF iyo Mareykanka si wada jir ah u shaaciyeen Geerida Axmed Godane, taasi oo ka danbeysay in Kooxda ay Shir ka daba qabato islamarkaana ku shaaciyaan Go’aanada Geerida Godane kadib ay isla meel dhigeen oo ah Doorasho Hogaan Cusub iyo Dagaalamayaan oo uu ugu baaqay inay is dajiyaan.

Salaanmedia/Moqdisho