Shir xasaasi ahaa oo dhex maray Madaxweynaha Puntland, Wasiirada iyo Saraakiisha Ammaanka(Warsaxafadeed)

Daawo Muqaal…Musharaxa Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabiweli Gaas oo shir ka dhacay Dubai fadeexadi ka raacday.

Shir aan caadi ahayn oo maanta ay isugu yimaadeen Madaxweynaha Maamulka Puntland, Golaha Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa waxaa looga hadlaayay Arrimo la xiriira Ammaanka iyo Khilaafyada ka dhexeeya Maamulka Puntland iyo Galmudug.

Kullanka oo qaatay dhowr saac ayaa waxaa laga soo saaray Qodobo ku qeexnaa Ujeedka shirka.

Shirka oo intabadan looga hadlay Arrimaha Muranka Garoon dhawaan uu Cabdi Qaydiid Sheegay in Puntland ka Xanibtay iyo Hanjabaada uu u jeediyey Garoonka C/laahi Yuusuf Airport Gaalkacyo ee ah in uu weerari doono, War-murtiyeedka ka soo baxay Shirka ayaa lagu cadeeyey in dowlada Puntland aysan Cabdi Qaybdiid Ka xanibin Garoon balse ay jirto Caqabadaha uu keeni karto Garoon jira oo mid kale laga ag dhiso waxa uuna u qornaa sidaan: