Somaliland Baynu Nahay, Sedku Waa Kaligay, Aqoonsi Ha Lanasiiyo Seddex Aan Is Qabanayn

Somaliland Baynu Nahay, Sedku Waa Kaligay, Aqoonsi Ha Lanasiiyo Seddex Aan Is Qabanayn

Somaliland baynu nahay Sedku waa kaligay Aqoonsi halanasiiyo Seddex aan is qabanayn

 

abiibSida aad ka warqabtaan waxa labadii wiig ee u dambeeyey ku sugnaa Caasimada  Hargeisa Odaayasha Dhaqanka Gobolada  Galbeedka S/land ayaa Shalay oo khamiisa ka ambabaxay iyadoo ujeedka socodkooduna ahaa Xalaalaynta wada lahaanshaha S/land oo 23sano kahor lagusoo Ebyay Magaalo Madaxda Gobolka Awdal ee Borama gaar ahaan Dugsiga sare Sh Ali jawhar markaas  oo duqaydii waqtigaasi ee galbeedka S/land ka xishoodeen inay maalintaa yidhaahdaan wax aynu qaybsano iyagoo waxwalba Gosha ugaliyey kuna kala badbaadinayey  Garabyadii kala socday  ama isdilayey  ee Beesha Dhexe magac Qabiil halahaadeen ama magac Urure, una huray  xoog, xoolo iyo xil qorshahooduna ahaa maanta Samata bixi Sahan- danbana aan qaybsano iyadoo Nabad layahay.  Dadk Reer Adalna kula Dardaarmeen  waxba haka doonina  ilaa ay isku Luga duwato oo dawlad ay noqoto{ Geeljire Dhawaan Diidaw Dheeraan Kadaba Orod}.

23sano kadib oo ku beegan  2014 oo S/land Taaba gashay  qiimayn dheer  kadibna loo arkay in Qarankani lugihiisa isku taagay  oo uu dhamaystirmay  wixii dhinacooda jiray. Iyadoo waliba  ku soo mareen Xaalado Qalqalafsan  oo keeni karayey  in lagu kala Dhaqaaqo  lagana xusi karo dilalkii foosha xumaa balse ay ku Samreen ayagoo ilaalinaaya Wada jirka somalilnd.

Ayaa Aqoon yahan iyo Waxgaradku  isla garteen inay Maanta ku haboon tahay inla Xisaabtamo oo la sameeyo Saami Qaybsi  Xalaala lana daadajiyo Sinaan iyo cadaalad lagu Sugo oo lagu ilaasho wixii inoo qabsoomay 23kii sano loona jihaysto Albaab wayn oo adag una baahan in lagu jabiyo niyad & xoog cusub oo wada jira waana  Aqoonsi buuxa oo aan Midnimo la’aanteed lagu gaarayn.

Waxayna usoo Wakiisheen Odayaasha Dhaqanka una soo amba baxay si Hufnaan iyo Haybad leh  ayagoo Rabitaankoodana ku cadeeyey qoraal hufan oo faahfaahsan  si aanay  waxa ay rabaan hadal unoqon ilayn waatii layiri  wixii la Qoraa Quruumo haree bartilmaameedkooduna ahaa M/W/Jam Somaliland maadaama uu yahay Ruug Cadaa s/land  xog ogaalna  u ahaa mudadaa ku siman  23 sano kamana rabin Muquuno uu Xerediisa ka baxsho balse waxay rabeen Xaqoodii iyo Qaybkay samliland ku lahaayeen.

Wuxuna ahaa socod garnaqsi oo aan hore  ugadhicin S/land aragti ahaana  macnaha  ugu wayn ee uu xambaarsanaa ahaa  (Aan is Aqoonsano Dunidu ha ina Aqoonsatee ) maadaama aduunyadu ay xogogaal isku  tahay sinaanta iyo cadaaladuna yihiin  shayga kaliya  ee Qaran ku koro ama ku Saaqido S/landna ubaahan tahay in  laga dulqaado si ay qayb uga noqoto Beesha Caalamka balse taasi waxa diiday oo wado kale qaaday  M/W Siilaanyo waxana laga dheehan karaa fariinta ay xanbaarsanayd Digreetadiisa. Isagoo si bareera u majaro habaabiyey ujeedkii Odayaasha,  wuxuna uga faa iidaystay  Arimo Siyaasadeed iyo inuu Xumad jabin uga dhigo kacsanaanta beesha dhexe ee  inteeda badan ku kacsan tahay Siyaasadiisa sidoo kale wuxuu cadaystay inuu Difaaco beeshiisa habar jeclo  oo ah beesha ugu badan ee haysata sad bursiimaha ugu badan marka laga tego Beesha dhexe tan inay fahmaana waxa ubaahan Beelaha kale.

Gunta iyo Gabagabdii mid waxan leeyahay M/W Siilaanyo Midna waxan leeyahay Dadka Reer Adal:

Madaxwayne haday kula tahay inay Somaliland  ku dhisnaanayso Beel kaliya inta kalana Sacabka u qaybsanaato Taasi Meel ay aduunyada ka Shaqaysay lama hayo Halkana kama Shaqayn doonto Xilalka iyo Xoolaha aad Jifadaada afka ugalisayna ogow inay ku yimaadeen Wada-jir, Fadhigaa hadaanad Fadhi uga Noqona Waxa la hubaa oo iman doonta{MUXUU KU JIQI MUXUUSE KA JIQI} Xoog iyo Ciidan lagu Faanaana Siyaad,Qadaafi,Xusni Mubaarak iyo Qaarkale oo badan ayay baydhna tari waayeen Ragna waa la waayay Walaalow wuxu ku dhaamo.

Midna waxan leeyahay Dadka Reer Adal ha niyad jabina hana quusanina Quustu waa Xaaraane Marwalnaba Xaqeena waxan u raadsanaynaa si saraysa inagoo ogsoon inayna Somaliland jirayn la aanteen.

Ma qancayno inta  aan ka helayno wixii aan raali ku noqonayno. Ma qancayno inta inanka Burco,Berbera,Hargaysa Joogaa ka Jaaniska Badan yahay inanka jooga Zaylac,Boorama, Laascaanood  iyo Ceerigaabo, ma qancayno inta Qarankan loo Sinaanayo. Ogsoonaada inaad tihiin Ruugcadaaga Dhismaha iyo wanaaga ilaa aad xaqiina helaysaana ay xaaraan tahay Aqoonsi yimaadaa. Ku shaqeeya taa idinkoo rumaysan dhibaatada Xaqa loo maro ogaada in lagu barakoobo, tashada oo ku tashada sidii loo Xalaalayn lahaa Xaaraanta ka muuqata Somaliland.

Mara Wado kasta oo Siyaasadeed idinkoo ka fogaanaya Fadqalalo una fikiraya si saraysa Dadkana yaynaan wada Sharaysan waxa laga yaabaa in la helo in ina taageersan, waa in Duufaanada Kacdoonku lulaan Somaliland ilaa inta Waaga Sinaantu ka Baryaayo.

Ugu dambayna laabta ku haya oo Gaws dambeedka ku Qaniina Somalilan inayna Aqoonsi helayn ilaa Dadkeedu Is Aqoonsado kuna wada hadlaan Hal Cod oo ay ka siman yihiin Dadka Somaliland, ogsoonaada Somalilnd Nimaan kuwada Tashano mooyaane inuuna jir Nin iigu Talinayaa amase Nin aan uga tagaynaa, Marwalbana idiinku baahantahay siday shalay idiinku baahnayd Somaliland.

 

Qalinkii: Maxamed Abiib Yuusuf

Email: bulaawecade98@hotmail.com

Mobile: 063-4562996.