Somaliland iyo Silaanyo ba wey silcayaan ee ha loo gurmado labadaba by Abdi Mustafe

MAQAAL
Somaliland wey silcaysaa oo xukuumad macangag ah oon meela u wadin ayaa haleeshay.
Midhka uugu weyn ee loo baahnaa wuxuu ahaa sidii ictiraaf loo heli lahaa oo cidiba ma hadal heyso. Dowladuna silca ay Somaliland gelisay waxay kaga dartay saqajaan nimada ay iminkana bilaabeen inay guryihii qaranku lahaa iibsadaan.
Shicibkuna ma dhaamo oo waa kuwaa iibsanaya xoolo xaaraan ah. Lacag oo dhami iyadu madaxtooyada ayay ku xarootaa kamana soo noqoto. Lacagta dekeda, lacagta biyaha iyo ta haamaha shidaalka ayaa ka mida. Qashinka magaala walba yaalaa wuxuu leegyay buuro. Dowladii hoose dhul uun bay daba yaacayaan ay cunaan. Caqiibo Somaliland maanta leeday ma jirto hadynnu maamulka sii baadh baadhno dalkaba waad nacaysaa.
Silaanyo isna wuu silcayaa oo wuu dulamanyay oo midhkaa laaxin laga jari maayo sababtoo ah wuxuu u baahanyay xanaano meel dhakhtaro fiican le. Hase yeeshee dad baa u diidan oo xuurto ku heysta si ay malafsiga ay barteen u sii socdo. Silaanyo wuxuu ahaaba maanta kii hore maaha oo hadal iyo huu-haa toona ma kari karo waana la wada ogyay. Dadkii uugu xigay baa sidaa u galay oon u ogolayn in caafimaad kiisa uu ka shaqeeyo oo London iskaga nasto. Nasiib daro weeye marka marwada aad qabtaa ay kaa doorato in ay magacaaga ku xukunto wadan oo dadkuna moodayo in madaxweynuhu caafimaad qabo oo wixii qalad dhacana isaga dusha laga saarayo. Akhristow rumayso ama ha rumaysan Silaanyo Somaliland kama taliyo oo weliba gurmad buu uuga baahanyay tolkii in ay ka furfuraan afduubkan lagu heysto isagoon awoodi karayn in uu cid xukumo ama 5 miridh la hadlo. Silaanyo & Somaliland are both suffering and both are under the mercy of Allah.
by Abdi Mustafe 
abdi_mustafe123@yahoo.com