Somaliland wax ha la qabsato Wadamada ku bahoobay BRICS ( Brazil, Russia, india, China iyo South Africa)

 Somaliland wax ha la qabsato Wadamada ku bahoobay BRICS ( Brazil, Russia, india, China iyo South Africa)
0

Marka hore waxaan salamaya dhamaan bulshaweynta somaliland meel kasta oo ay joogan guddo iyo dibeddba ASCW, Inta ka dib, sida ciwaanka aad ku arkayso kooxda BRICS waa Urur ay ku midoobeen shan wadan oo ah kuwa caalamka ee sameeya koboca ugu badan ee dhanka dhaqaalaha adduunka. Wadamadan ayaa kale ah Brazil, ruushka, hindiya, shiinaha iyo wadanka koonfur afrika. Tirada dadka ku nool wadamada ku bahoobay ururkan ayaa 3 bilyan oo qof oo u dhiganta 50% tirada guud ee dadka adduunka ku nool, waqtigan la joogana isu geynta wadarta wax soo saarkooda ee afka qalaad loo yaqaan Gross domestic product ( GDP) waa $16.039 trillion oo u dhigan ta 35% dhaqaalaha adduunka ( 35% of world GDP).
wadamadan ayaa laba ka mid ahi ay ka tirsan yihiin shanta golaha amaanka qaramada midoobay ee leh codka diidmada qayaxan waana wadamada shiinaha iyo ruushka, waxayna sameyn ku leeyihiin dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba si weyn dunida. Sidoo kale, waxay dhamaantood ka tirsan yihiin Ururka G20.  wadanka hinidya ayaa isna ah ka soo raaca dhaqaale ahaan wadanka shiinaha qaarada aasiya oo ah kan labaad ee miisaan weyn ku leh dhinaca siyaasada iyo dhaqaalaha qaradaas, sidoo kale wadanka koonfur afrika ayaa ah wadan dhaqaalihiisu marka la eego wadamada afrika kan ugu wanaagsan waana wadanka ugu tunka weyn qaarada afrikada madow. sidoo kale, wadanka brazil ayaa ah wadan weyn oo xaga siyaasada iyo dhaqaalah hogaaminaya koonfurta laatin amerika.
Haddba, wadamada ku bahoobay BRICS ayaa dhawaan sameystay bangiga loogu magac daray BRICS DEVELOPMENT BANK oo wax weyn ka bedeli doona dhaqaalahooda, maalgashina ku sameyn doona kabayaasha dhaqaalaha ee wadamada jaalkooda ah ee dunida soo koraysa siiba afrika iyo aasiya, wuxuu baankana tartan la geli doona banka aduunka iyo hayadda lacagta addunka ( World bank & IMF).
Ugu danbeyntii, aniga oo ka soo koobi karin inaan mid mid uga waramo wadamadan oo qof kasta og yahay miisaanka ay dunida ku leeyihiin iyo sida ay u maal gashadeen wadamada afrika intooda badan oo ay cilaaqad wanaagsan la leeyihiin ayaan maanta jecelaystay inaan ku baraarujiyo xukumada somaliland in ay siyaasadeeda u jihayso inay xidhiidh la yeelato siyaasadeed iyo mid dhaqaale kooxda BRICS oo aan rajeynayo in haddii aynu gacan saar la sameyno ay wax badan la qaban karaan baahiyaha badan ee maal gashi ee dalkeena yaal. Waxaana ku dhiiri gelinaya wasaaradaha arrimaha dibedda, qorshaynta , ganacsiga iyo maalgashigu in ay la yimaadan qorshe cad oo nidaamsan oo ay wax kula qabsan karaan wadamada BRICS oo u soo jeeda in ay wax badan taraan wadamada soo koraya siiba afrika.

Saeed A dualeh
Bristol, Uk