Sugida Xuduudaha Somaliland Cidna looga Habranmaayo !!!

maqaal

Sugida Xuduudaha Somaliland Cidna looga Habranmaayo !!!
Ciidanka qaranku waxay heegan ugu jiraan ilaalinta xuduudaha iyo difaaca qaranka, iyo waxa kasta oo dibin daabyo u geysan kara qarankan somaliland, waxay heegan ugu jiraan dhirbaaxada cadowga neceb horumarka iyo hiigsiga ummadan, kuwaa oo geed dheer iyo mid gaaban u fuulay in dalkan ay dhib u horseedaan, waxaa kuwaas ugu danbeeyey “horgale Ali khaliif galaydh iyo kooxdii laga soo abaabulay muqdhiso”
Ciidanka qaranku waxay tuseen awooda qarankani leeyahay oo aan marnaba looga baqanayn cadow shisheeye dalkan iyo dadkiisaba, geesiyada halyeeyada ahi waxay dhirbaaxo adag ku dhufteen maleeshiyaadka saax-dheer ee uu hogaamiye kooxeed uu ka ahaa ali khaliif galaydh, waa tusaale mudan in inta kale ee niyada, iyo caloosha ku haysata fala noocaas oo kale aha ku waano qaataan.
waxaanu baaq u direynaa beesha caalamka, fariintaas oo ah in sugida xuduudaha somaliland aanaan cidna uga amar qaadaneyn, nina gurigiisa laguma amro caqlina ma ahan dalkaaga ka bax yeelina meyno.
dawladaha aduunku waxay isku leeyihiin ixtiraam iyo isqadarin, ilaalinta xuduudahayagu waa sharci dastuuriya, sida kuwiinu dastuuri u yiihin, ha nafarin waxaydaan qaadateen.
Dhamaan goloyaasha qaranka, xisbiyad qaranka, iyo shacabku si mideysan u wajahaan dufaanada siyaasadeed ee lagu mijo xaabinayo qaranka, waa in aynu indhaheena furnaa, gudaheena mideynaa si wada jir ahna cadowga u dhirbaaxnaa
waxaanu hanbalyo halkan uga diryaa ciidanka qaranka, waxaan leeyaha waanu idiin ognahay hawsha aad qaranka aad u heysaan waxaanad ogaataan in shacabkiinu idin barbar taagan yahay wxaanu idin leenahay guuleysta.