Suxufiyiin maanta loo gudbiyay Xabsiga Dhexe ee Xamar

image

Ilaa saddex nin oo ka tirsan Warbaahinta madaxa banaan ee ka hawlgasha Magaalada Muqdisho, ayaa maanta waxaa loo gudbiyay Xabsiga Dhexe ee Xamar, xilli aynaan jirin xukun Maxkamadeed oo lagu riday.

Xabsiga Dhexe ee Xamar, ayaa waxaa loogu talla galay in lagu xiro oo kaliya dadka ay Maxkamadi dembiyo ku hesho, isla-markaana ay xukuno kala duwan ku rido.

Milkiilaha Idaacada Shabelle C/maalik Yuusuf Maxamuud, Ku Xigeenka Madaxa Wararka ee Idaacada Shabelle Axmed Cabdi Xasan iyo Agaasimaha Idaacada SKY Maxamuud Maxamed Daahir (Carab), oo tan iyo 15-kii bishii hore ee August lagu haayay Xabsiga Godka Jilacow, ayaa maanta loo gudbiyay Xabsiga Dhexe ee Xamar, bilaa xukun.

Raggaan, ayaa maanta la horkeenay Xarunta Ilaalinta ee Qaranka, waxaana loo sheegay in Dowladda Somaliya ay u heysato eedeymo kala duwan, iyadoona Maxkamada Gobolka Banaadir loo gudbiyay eedeymaha ka dhanka ah.

Eedeymaha loo heysto xubnahaan, ayaa waxaa loo cuskaday ilaa lix qodobo, isla-markaana waxaa la go’aamiyay in lagu sii haayo Xabsiga Dhexe, ilaa iyo inta laga horkeenaayo Maxkamada Gobolka Banaadir.

Eedeymaha Suxufiyiintu waxaa loo cuskaday qodobada kala ah

1- Qodobka 184aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed isku day lid ku ah haybadda iyo Madaxbanaanida Midnimada Qaranka, ayna galeen qiyaano Qaran, qodobkaasi ciqaatiisu waa dil toogasho.

2- Qodobka 220aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed aflagaado sharafta iyo haybadda Madaxweynaha Qaranka, ciqaabtiisa waa 6 billod ilaa 3 sano oo xarig ah.

3- Qodobka 231aad ee Xeer Ciqaabta Soomaaliyeed ammaanta dembiyada iyo dhiirigelinta dembiyada, oo meelo fagaare ah laga sheego, ciqaabtiisuna waa 3 ilaa 12 sano oo xarig ah.

4- Qodobka 320aad ee Xeer Ciqaabta Soomaaliyeed u hor kicid falid dambi, ciqaabtiisuna waa hal sano ilaa 5 sano oo xariga ah.

5- Qodobka 321aad ee Xeerka Ciqaabra Soomaaliyeed u hor kicid sharci jebin, ciqaabtiisuna waa lix bilood ilaa iyo Shan sano.

6- Qodobka 328aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed daabicid warar been ah oo la buunbuuniyay, laguna qalqal geliyey nabadgelyada, ciqaabtiisuna waa xabsi lix bilood ah.

Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka, ayaa maanta waxay mugdi gelisay dadaalo lagu doonaayay in dib xoriyadooda loogu siiyo Suxufiyiinta u xiran Dowladda Federalka ee Soomaaliya.

Salaanmedia/Mogdisho