TACSI UU DIRAAYO GUDOOMIYA GUUD EE URURKA DHALINYARTA JIIDALE UK

TACSI UU DIRAAYO GUDOOMIYA GUUD EE URURKA DHALINYARTA JIIDALE UK
TACSI

Dhamaan waxaan salamaaya shacbiga somaliland meel kasta oo ay joogaan, marka xigta waxaan salaamayaa shabakada 

hadhwanaagnews iyo shaqaalaheeda, intaas ka dib waxaan tacsi u dirayaa labadii sarkaal ee ciidanka qaranka ee gacanta ka xaqdarani ku dhishey qorulugud, waxaan leeyahay ilaahay waxaan uga  baryayaa janadiisa fardowsa in uu geeyo, inakana ilaahay samir iyo iiman inaga siiyo intaas ka dib waxaaan aad ula yaabney sida  ay dawladii shacabku doorteen ay arinkan uga aamustey una qaadi wayday talaabadii ku habooneyd,ciidamadeena qaranku sharaf bay ina mudan yihiin waayo waa kuwo huwan astaanteena iyo sharafteena waxaan wax loogo xumaado ah inta sarkaal xidhan dirayskii qaranka la dilo cid ka dabo tagtey cidii gaysatey falkan aanay jirin aan waxbana laga soo qaadin taasi waa wax aan loo dulqaadan karin waa wax ay ku dheehan tahay masuuliyad daro waxaan sifiican uga dharagsanahay in xukuumada dalka ka jirtaa ay ku fashilantay wixii ay umadani u dooratey,dalkeena waxa ka jira dhibaatooyin baaxad leh, dhalinyartii baa qaarna badii madhisay oo quush ay dalkii ka joogan ay tahriibayaan qaarna RRU ciidan la dhaho uu xabad ku madhiyey, madaxweyne siilanyo waa ku fashilmey afartii sano ee uu dalka hogaaminaayey waxa uu keenay qabyalaad, musuqmaasuq baahsan,sharaftii somaliland oo hoos u dhacdey, eexasho aan loo aabo dayin, bal muwaadin xamar baan la shiraynaa baa la yidhi maxaa midho dhal ah oo ka soo baxay, dalkeenu badbaado buu u baahan yahay afarsano oo kaliyaa buu 20sano waxay so dhisayeen halyeeyo buu afarsano baabah kaga dhigey , somaliland waxay u baahan tahay hogaamiye adag, karti leh, daacad ah laakiin xukuumadan maanta jirto waa mid qarankeeni iyo hiigsigeeni dub u celisey

  

 

 Gudoomiyaha Guud jiidale UK, Cumar Abdi Muxumed(Cumar Dooli)    
soo saare:
Afhayeenka  Guud Ururka jiidale ee UK
Eng: Faysal AbdirahmanÂ