Ujeeddo: Taageerid Baaqa salaadiinta Awdal iyo Salal

Ujeeddo: Taageerid Baaqa salaadiinta Awdal iyo Salal

 

 

Baaq

 

 

Waxa aan marka hore halkan ka mahadinaynaa Salaadiinta gobolada Salal, awdal iyo Gabiley ee tabashada u gudbiyey xukuumadooda, arintaasi waa wax aad iyo aad u wanaagsan in la isaga garaabo, waana arin aad iyo aad u fiican in shacabka reer Somaliland iyo xukuumadoodu si turxaan la’aan ah iskugu gudbiyaan cabashadooda.

 

Run ahaantii warbixintan ay odeyaashu soo qoreen waxa ay u muuqataa in beesha dhexe heshay sad bursiimo.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Dr. Ahmed Mohamed Mohamoud waxa aanu ka codsanaynaa in uu si mug leh u eego cabashada odayaashaas, sida sharafta leh usoo gudbiyey cabashadooda, anaga oo og i madaxweynahu geesi yahay ku dhiiran kara in uu isku shaandheyn balaadhan ku sameeyo golahiisa wasiirada.Taas oo haddii Alle yidhaahdo dhamaan shacabka reer Somaliland ku qanci doonaan Insha Alla.

 

Odayaasha waxa aanu ka codsanaynaa in ay sidaas ay uga shaqaynayaan qadiyada Somaliland

ay uga shaqeeyaan una sii laban laaban, anaga oo ku kalsoon in aan Somaliland xagooda xagal

daac ka imanayn, dhamaan shacabka reer Somaliland-na waxa aanu ka codsanaynaa in ay ilaashadaan midnimadooda iyo karaamadooda.

 

 

 

Alla Mahad Leh

 

Hussein Mohamed Ali ( Hussein Wadadyare)

 

Guddoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Jönköping, ahna Ku xigeenka dalada Guud ee SWEDEN.