WAR CULUS:Afhayeenka Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Saaxil Oo Sheegay In Ay Xukuumada Siilaanyo Ay Ka Meeraysanayso Sidii Loo Xalin Lahaa Khilaafka Ka Dhashay Diwaangalinta Madanig,

Waddani logo

Hargaysa:(SM):-Afhayeenka Xisbiga Waddani ee Gobolka Saaxil Mudane Maxamed Ibraahim Qayre ayaa si kulul uga hadlay balankii ay Xukuumadu la lahayd Xisbiyada Mucaaridka ah ee ay ka baaqatay.

Afhayeenka ayaa wuxuu sheegay in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay ka meeraysanayso sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhashay Diwaangalinta Madaniga ah ee Madmadawgu ka buuxo, taas oo uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu doonayso inay dib ugu dhigaan wakhtigii loogu talagalay Doorashooyinka Qaranka.

Afhayeenka Xisbiga Waddani ee Gobolka Saaxil Mudane Maxamed Ibraahim Qayre ayaa wuxuu bulshada Somaliland u soo jeediyay in aanay aqbalin Diwaangalinta ay Xukuumada Siilaanyo doonayso inay wakhtiga ku sii dheeraysato, taas oo uu tilmaamay in aanay Xukuumadu u diyaar ahayn inay xiligii loogu talagalay Doorashooyinka Qaranka qabato.

Salaanmedia/Berbera