War Deg Deg Ah….Shaqaalaha loo loogu talo galay bixinta kaadhadhka muwaadinka ee magaalada Hargeysa ayaa sameeyay shaqo joojin saaka,albaabadan u laabay goobihii Warqada aqoonsiga lagu bixinaayey

NEWS

Sep 27, 2014 Hargeysa(SM) – Shaqaalaha loo loogu talo galay bixinta kaadhadhka muwaadinka ee magaalada Hargeysa ayaa sameeyay shaqo joojin saaka,albaabadan u laabay goobihii Warqada aqoonsiga lagu bixinaayey,halkaas oo dadweyne badan oo doonayey inay Warqada Aqoosniga qaataan hor tuban yihiin.

Sida xogguhu Tibaxayaan,shaqaalaha Qaarkoodna warbaahinta u sheegeen waxa la musumaasuqay ama la waayey Gunadii maalinla ahayd ee loo qoondeeyay in la siiyo shaqaalaha.

Geesta kalena Madax-dhaqameed xukumadu u soo xushay inay xaqiijiyaan dadkaWarqada aqoonsiga qaadanaya Beelahooda iyo Jilibyadey sheeganayaan ayaa iyana mudaharaadka shaqo joojinta qeyb ka noqday markii la musuqmaasuqey Gunno loo qoray.

Ilaa iyo imika waxaa goobahaas ka taagan isdhex socod iyo jahawareer kadib markiishaqaaluhu soo buux dhaafiyeen goobaha loo asteeyay in kaadhadhka diiwaan galinta laga qaato. Waxa muuqata in ay noqon doonto Diiwaangalintani mid keeni karta jahowareer iyo iska daba wareeg bixinta kadhka aqoonsiga iyada oo ay fooda inagu soo haysto u diyaargarowga doorashooyinka dalka ee Barlamaanka,Guurtida iyo madaxtooyaduba. Waxa aynu ogaan doonaa halka ay ku dhamaato iyo in diiwaangalintani ay socon doonto oo dalka wada gaadhi doonto,dhinaca kale waxa ku baxaaya kharash badan oo u baahan in laga fakaro.

Salaanmedia/Hargaysa