Warancadde iyo wadaadada kutubo-xoorka ahi wasiiro ma aha ee wadanka ha laga qabto haddii kale…………

MAQAAL

Xilka waa masuuliyad qaran oo uu qafka hayaa ku mutaysto maamuus ay bulshadu huwiso waase haddi qofku masuuliyadda qaranka ee degta loo saaray uu waajibkeeda guto. cid kasta oo xilka qaranka uga faa iidaysata dano gaar ah ama ku tagri fala awoodda qaranka waxa masiirkiisu ku danbeeyaa ceeb adduun iyo ciqaab aakhiro waana in umadda loo iftiimiyo xumaantiisa. Xubnaha xilkii iyo masuuliyaddii qaranka ay u hayeen shacabka ku foof tagay waxa ka mid ah afar wasiir oo maanta u tafo xaytay sidii dalka iyo dadka reer Somaliland ay dab iyo holac ugu shidi lahaayeen. Wasiirada ku hawlan in Somaliland gubato waxa kaw ka ah Cali   Maxamed Warancadde oo tan iyo maalintii xilka loo magacaabay nabab galyadii iyo xasiloonidii Somaliland ay ruxmayso oo cabsi weyn laga qabo in reer waliba oo hubkiisa sufurta ka afuufo oo uu xaqiisa ku raadsado. Hadaba wasiir waran cadde waa kuma.

-Warancade waa xubin ka mid ah nabad suguddii Somalia ee taliskii Afweyne Barre u adeegsan jiray wanjalaadda iyo shirqoolka madaxdii iyo ganacsatadii ka soo jeeday Somaliland xilligii uu socday halgankii SNM ee wadanka lagu xoraynayay waxaanu ka mid ahaa shakhsiyaadkii faro ku tiriska ahaa ee siidhigu ku yeedhay ayaga oo Afweyne la qorshaynaya xasuuqa iyo gumaadka shacabka ree Somaliland xilli ay kala soocantay oo ninkii damiir lahaa duurka galay si uu dadkiisa dulmiga iyo dulliga uga dulqaado, sidaa darteed warancadde hadii uu naxariis u hayo shacabka reer Somaliland waxa uu u damqan lahaa taariikhdaas hore waxaanu u muuqdaa nin weli u ciil qaba dadkiisa oo aan iyagu ilaa hadda kala xisaabtamin godobtii uu ka galay.

– warancade waa nin caabuda marba xilka uu hayo oo aan waxba dhawran waxaanu aamin sanyahay in risiqiisa ay madaxweynayaashu hayaan oo haddii uu caasiyo ay arsaaqda ka jarayaan waana sababta ku kallifta inuu markasta guul wade noqdo.

– Warancadde waa nin aan lahayn han siyaasadeed iyo himilo mustaqbal toona waxaanu caqliguusu qaadaa inta calooshiisu qaado waana sababta keenta inuu wabax-taraaro oo uu waxa uu doono ku hadlo wakhtiga uu cokan yahay.

Waxa ayana jira saddex wasiir oo qaranka lugooyo iyo hagardaamo ku haya kana door bida jeebkooda, saddexdan wasiir oo kala ah XIRSI XAAJI CALI , CABDICASIIS SAMAALE IYO MAXAMUUD XAASHI waa wadaado kutubo-xoor ah oo qawaday kitaabkii iyo sunnihii ay barteen oo waxay ka doorbideen dimoqraadiyad iyo cilmaaniyad laga soo dhoofiyay wadan gaalo. Hadaba akhriste bal is weydii su’aalahan

–          Wasiiradan kutubo-xoorka ahi haday iimaansan waayeen xaqii ilaahay baray iyo sharcigii waasaca ahaa ma iimansanayaan jiritaanka Somaliland. Jawaabtu waa maya nin ka xishoon waayay inuu tuuro kitaabka alle cid kale ka xishoon maayo.

–          Wasiiradan kutubo-xoorka ahi hadii ay kitaabkii alle ujoojin waayeen oo dabada ka tureen, distoorka qaranka ma u joojinayaan oo ma dhawrayaan? Jawaabtu waa maya nin quraankii saluugay distoorna qiimayn maayo.

–          Wasiiradan kutubo-xoorka ahi mar hadii ay wardigii iyo weysadiiba ay xooreen(tuureen) ma lagu aamini karaa masiirka ummadan reer Somaliland? Jawaabtu waamaya nin wardigiisii hallaabay xilkas ma aha weysadiisii meel hakaga waramo.

–          Wasiiradan kutubo-xoorka ahi mar hadii ay ku xasili waayeen mimbarkii masjidka ee ay khudbadda jimcaha ka akhrin jireen, maku xasili karaan kursiga u sarreeya qaranka? jawaabtu waa maya meel kale oo aan Somaliland ahayn ayay ku socdaan.

–          Wasiiradan kutubo-xoorka ahi mar haddii ay siibeen qamiiskii ay xidhan jireen ma lagu hallayn karaa calanka qaranka ee imik qoorta u sudhan? Jawaabtu waa maya nin labiskii rasuulka(scw) siibay oo ka qashaafay calankana sidan maayo ee maalinba kuu doono ayuu soo xidhan.

Hadaba akhriste waxa ka daran mabadii’da iyo aydaloojiyadda ay aaminsanyihiin wadaadadan wasiirada ah ee wayxigii quraanka weydaartay oo aan meel loogu soo hagaago lahayn. Marba shaadh ayay soo xidhaan.

–          Mar waa wadaad xagjir ah oo jihaad doon ah oo dhallinyarada ku biimeeya dagaal uu ku sifeeyo inuu muqaddas yahay, xilligaas waxa uu wax ku guubaabinayaa waxaynu dhisaynaa dawlad islaami ah si damaciisu uu u hirgalo.

–          Mar waa hogaamiye beeleed dagaal ooge ah uu tolkii ku guubaabiya inay reer kale weeraraan, xilligaas waxa uu aaminsanayay in uu dagaal sokeeye ku gaadhi karo damaciisa.

–          Marna waa wasiir u dhaarta qaran dhan oo masuuliyadiisa tunka ku qaata, xilligaasna waxa uu aaminsanyahay in damaciisu ku hirgalayo dimuqraadiyad iyo cilmaaniyad.

Haatan waxa la gaadhay xilligii ay ku macaashi jireen dhiig daata waxanay beryahanba tumanayeen durbaan dagaal oo ku waajahan shacabka walaalaha ah is ay uga kala daadiyaan nabadda aya yabyabteen. Hadaba wasiiradan kutubo-xoorka ah iyo warancadde waxaan leeyahay ilaahay ka baqa oo xasuusnaada aakhiro oo shacabkan danyarta ah ee aad tacabkoodii iyo dhidid koodii jeebka ku shubateen, dhiigooda ha daadinina ee ka daaya dhibta iyo dabka aad isugu dhiibaysaan.

By: Cabdixakiim Muuse   Cali