Wararkii ugu dambeeyay dagaal udhaxeeyay ciidamada Huwanta iyo Shabaab oo ka dhacay Gobalka Hiiraan

image

Dagaal udhaxeeyay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo ciidamada Al Shabaab, ayaa maanta ka dhacay Gobalka Hiiraan, xilli ciidamada Shabaab ay wadada u galeen Kolonyo ciidamo oo Beladweyne kasoo ambabaxday.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay inta udhaxeysa deeganada Nuur Fanax iyo Garisiyaani oo kawada tirsan Gobalka Hiiraan, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax.

C/fataax Xasan Afrax, ayaa ku waramaayo in dagaalkaasi ay ku dileen todobo Askari oo ka tirsan kuwa ciidamada Shabaab, halka ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ka geeriyooday hal askari.

Ciidamada Shabaab ayaa dagaalkaan soo qaaday, kadib markii gaadiid siday raashin loogu talo galay in la geeyo Degmada Buulo burde oo ay galbinayeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay wadada ugaleen xoogaga Shabaab sidaasina uu dagaalka ku qarxay.

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan,wuxuu sidoo kale sheegay in Gar-gaarkii ay wadeen qeyb kamid ah ay u qeybiyeen dadka deegaanka Garasiyaani iyo Halgan oo ka tirsan Gobalkaasi, laakiin raashinka ugu badan ayaa loo wadaa shacabka Buulo burde ku nool.

Gaadiidka galbinayay raashinka ayaa hada waxa ay ku sugan yihiin deegaanka Halgan oo ku dhaw Degmada Buulo burde, Halgan ayaa wuxuu ku yaala laamiga xiriiriya Beladweyne iyo Buulo burde, wuxuuna xigaa dhanka Degmada Buulo burde.

Ciidamada Huwanta ayaa maanta qabsaday Degmada Jalalaqsi oo aheyd Degmada kaliya ee Shabaab ay ka joogaan Gobalkaasi, iyadoo dagaal uusan dhicin ayeey ciidamada la wareegeen.

Salaanmefia/Mogdisho