Warbixin….Haweeney Soomaali ah oo doonaysa inay Soomaaliya M/weyne ka noqoto

download

Warbaahinta dalka Finland maanta waxaa ay si gaar ah u hadal hayaan sheekadda ku saabsan haweeney Soomaaliyeed oo ku nool dalka Finland oo doonaysa inay Soomaaliya M/weyne ka noqoto  marka la gaadho sanadka 2016.

Faadumo Dayib oo Soomaaliya ka carartay sanadkii 1990 haddana cilmiga siyaasadda ka barata jaamacadda Harvard ayaa ku dhawaaqday inay doonayso inay Soomaaliya M/weyne ka noqoto oo ay isku soo sharaxdo doorashada dalka ka dhacaysa 2016.

Faadumo waxay sheegtay inay doonayso inay noqotay qofkii ugu horeeyay ere dumar ah oo qabta xilka madaxtinimada Soomaaliya waxaana ay intaa ku dartay inay aaminsantahay inay shaqadaas qaban karto, waxaana  ay intaa ku dartay inay isa soo sharixi doonto ayadoo aan soo marin hab beeleed.

“Waxaan doonayaa inaan noqdo M/weynaha Soomaaliya waxaana aaminsanahay in markaan ay tahay xilligii dumarka fursad la siin lahaa sababtoo ah dumarka hadda waxay hogaanka u hayaan hawsha guriga, dhaqaalaha wadanka iyo kala agaasinka hawsha guriga marka waaba ay qaban karaan shaqadaan oo kale” ayay tiri Faadumo Dayib oo la hadashay mid ka mid ah wargeysyada ugu afka dheer dalka Finland.

Haddii ay noqoto M/weynaha Soomaaliya waxay sii balan qaaday inay wax qabanayso shaqo la’aanta dhalinyarada, xoojinta doorka dumarka , kor u qaadista wax barashada iyo ka hor tagista xad gudubyada loo geysto dadka la takooro.

Sanadka soo socda ayay Faadumo sheegtay inay Soomaaliya soo aadayso si u bilowdo ol olaheeda ay doorashadda u bilowdo.

“Waxaa jira dad Soomaali iyo ajaanib iskugu jira oo ol olahayga qeyb ka ah dhamaantoodna waxay u shaqaynayaan sidii qof dumar ah uu M/weyne Soomaaliya uga mid noqon lahaa” ayay tiri Faadumo Dayib.

Sidoo kale haweeneydaan waxay sheegtay inay jiraan dad badan oo uga digaya inay xilkaan isku soo sharaxdo hase ahaatee waxaa ay intaa ku dartay inay ka go’antahay inay sii wado ololaheeda waxaana ay xustay inay ku rajo weyntahay inay M/weyne noqoto ayadoo aan hab beeleed lagu soo dooran.

Sanadka 2016 oo ah waqtiga uu ku egyahay xilliga dawladaan hadda shaqaysa ayaa waxaa la filayaa in dalka ay ka dhacdo  doorasho qof iyo cod ah.

Salaanmedia/Moqdisho