WARSAXAFADEED…..BEESHA ARAB OO KU BAAQDAY IN LA QAADACO DIIWAAN GELINTA MADANIGA AH EE QODAXDA LEH

BAAQ
BEESHA ARAB OO KU BAAQDAY IN LA QAADACO DIIWAAN GELINTA MADANIGA AH EE QODAXDA LEH Annagoo ah muwaadiniinta reer Somaliland ee magacyadoodu hoos ku xusan yiihiin ee ka soo jeeda beesha Arab waxaanu si mug iyo miisanba leh u camaabaraynaynaa diiwaan gelin ku-sheega Madaniga ah ee dhinaca ka raran ee aqalka madow lagu soo malmaluuqay, haatanna la damacsanyahay in lagu socodsiiyo shacabka reer Somaliland. Diiwaan gelintan madaniga ah oo sideedaba ka mid ah turunturooyinka iyo carqaladaha la sii hordhigayo in waddanka ay doorasho ka dhacdo ayaa si badheedh ah oo caddaalad darro ah loo soo maleegay iyadoo beelaha kala duwan ee Somaliland ee ay khusayso aan wax wada-tashi ah lagala yeelan, wax fikrad ahna laga weydiin. Shan bilood ka hor ayey ahayd markay beesha Arab ka sii qaylinaysay fool xumada ka soo socota diiwaan gelinta madaniga ah oo ay wargeysyada maxalliga ah iyo shabakadaha caalamiga ah ee wararka ee Somaliland ku shaaciyeen baaq ku qoran af-Ingiriisi iyo af-Somaaliba kaasoo ay ku bayaaniyeen inay qaadaci doonaan diiwaan gelinta madaniga ah iyo diiwaan gelinta codbixiyaha ee lagu salayn doonaba iyagoo markaa saluugsananyn sida caddaalad darrada iyo eexda ku dhisan ee marka horeba loo sameeyey guddiyada mashruucan loo xilsaaray.
Liistada goobaha Diiwaan Gelinta Madaniga ah ee la shaaciyey ee laga wada biyo diiday waxa ku cad in si kas iyo maag ah la isaga baal maray nidaamka dimuqraadiga ah ee aynu ku faano kaasoo ku dhisan mabaadiida ah in wada tashi joogta ah beeluhu ka wada yeeshaan marka go’aanka noocan oo kale ah la meel marinayo (Community Consultation Process) in shirka go’aanada noocaas oo kale ah lagu gaadhayo ee saamaynta ku leh aayaha iyo mustaqbalka ummadda sida qaruurad cad oo kale la isaga dhex arki karo (Transparency), in lala xisaabtami karo waxna laga weydiin karo masuuliyiinta ku shaqo leh sida ay go’aanka u gaadheen (Accountability), in laga jawaabi karo wixii su’aalo ah ama madmadow ah ee la xidhiidha qodob kasta oo go’aankaas ka mid ah iyadoo lagu badhi taarayo caddeyn adag (hard evidence).
Waxaanu rumeysanahay in ujeedada keliya ee sidan shaxda loogu dhigay ay tahay in marka hore lagu carqaladeeyo doorashooyinka si waqtigii loo asteeyey aanay waddanka uga dhicin, marka labaadna waxa cad in si badheedh ah shaxda loo dhigay si beelaha qaarkood muran iyo rabshado ay u bilaabaan oo waddanka xaalad abuur looga sameeyo ka dibna loo xalaalaysto muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda. Waxa u daliil ah in xaalad abuur la doonayo liiska la soo saaray oo ahaa liis qodaxi ka buuxdo oo beelaha qaarkood loo sii daadiyey waddada diiwaangelinta ee ay soo marayaan si waxa uga soo baxaa ay faro ku tiris u noqdaan. Wasiirka Madaxtooyada, Xirsi Xaaji Cali, ayaa laf ahaantiisu ka markhaati kacay in liiska la soo soo saaray ee goobaha diiwaan gelinta madaniga ah qodaxi ka buuxdo, balse ay haatan iyo wixii ka dambeeya dib ugu noqon doonaan sidii loo qodax saari lahaa. Waxa beeshani shan bilood ka hor ugu baaqday xukuumadda in guddiga loo xilsaaray diiwaangelinta ee ka koobnaa wasiirada iyo hawlwadeenada si isku mid ah beelaha Somaliland oo dhan looga wada qayb geliyo si natiijadii ka soo baxdaa ay xalaal u noqoto. Waxa nasiib darro ah in baaqaas loo diray xukuumadda dhegaha laga furaystay oo la yidhi, “habar iska how-howle ee heelada inoo tuma” oo ah hab-dhaqanka (Modus Operandi) xukuumadan.
Waxa sida dharaarta u cad in canaasiirta go’aankan soo gaadhay aanay difaaci karin go’aanka qaran dumiska ah ee ay soo saareen oo aanay shacabka indhaha siin karin, isla mar ahaantaana ka jawaabi karin su’aalaha ad-adag ee ku geedaaman liistadan goobaha diiwaan gelinta waayo way og yihiin inay dulmi ku dhisan tahay. Waxa ayaan darro ah in dhaqankii iyo caadadii wanaagsanayd ee aynu lahaan jirnay ee ahaa Qaybiye Wuu Qadaa la xeerin waayey oo masuuliyiintii iyagu wax qaybinayey ay wixii meesha yaalayba isku fuuqsadeen, Waxa iyaduna sidoo kale calool xuma weyn ah in masuuliyiintii xukuumadda ee la doonayey inay shacabka dhexdhexaad u noqdaan uu mid waliba reerkiisa ka fuudh yeelay oo damiirkooduna siin waayey inay xataa soo saaraan wax caddalad u yara eeg, Waxa wax laga naxo ah in masuuliiyiintaas aanuu Alle ka-cabsi ku jirin oo dhaartii kitaabka Quraanka Kariimka ahaa ee gacanta loo saaray ay iska baal mareen kana door bideen inay liis dulmi ku dhisan ay ummadda u soo saaraan. Waxa kale oo aynu ognahay in canaasiirtaas sida badheedhka ah qodaxda inoogu daadiyey waddada aan sharci kaa qabanayaa jirin ee waliba xukuumaddani salaan ugu darayso dembiga ay galeen. Haddaba, marka dhaqankii iyo caadadii lagaaga baydhi waayo ee qofku damiirkiisa kaaga baydhi waayo ee dhaarta lagu dhaariyey kitaabk Quraanka ah uu kaaga baydhi waayo ee uu sharciguna kaa qaban waayo, waa maxay waxa kaala gudbooni? Jawaabta waxa weeye in si Alle sidii aad ku difaaci karto xuquuqdaada aad ku diaafacdo.
Waxaan dhammaan ugu baaqaynaaa beesha Arab horena aanu ugu baaqnay in aanay marnaba oggolaanin in deegaanadooda ay ka dhacdo diiwaan gelinta madaniga ah iyo diiwaan gelinta cod bixiyaha oo iyadana lagu salayn doono liiskan uu wasiirku caddeeyey inuu dulmi ku dhisan yahay.
Waa Duni Ninkaad Aamintaa Kuu Abees Yahaye. Ha Qaadan Teesaraha Xaq Darrada!
1) Axmed Guuleed Xirsi 2) Fuaad Ibraahim Odowaa 3) Cabdinaasir Hagagaar 4) Xasan Cabdi Cilmi 5) Axmed Deeq Cabdi Cilmi Dixood 6) Cabdillaahi Daahir 7) Maxamed Cali Mooge 8) Dayib Cismaan Quule 9) Anwar Cali Xiid 10) Xuseen Aden Cadde 11) Cabdi Aden Cadde 12) Mustafe Xaaji 13) Cabdi Diyaar 14) Baashe Abdi Abdillaahi 15) Maxamed Aden cadde 16) Najax Tulux 17) Cabdulqaadir Cabdullaahi Xirsi 18) Cabdi Xirsi Adar 19) Khadar Caydiid 20) Maxamed Koosaar Caydiid 21) Khadar Masmas 22) Mustafe Yusuf 23) Cabdiqaadir Axmed Wali 24) Maxmed Ismaaciil 25) Cabdisalaan Cali Akshan 26) Cabdifataax Cali Waraabe 27) Yusuf Maxamed Dage 28) Cumar Cali Jabaan 29) Maxamed cabdiqaadir Foodyare 30) Maxamed Amiin Sheekh Bashiir 31) Axmed Jaamac Dheere 32) Khadar Axmed 33) Cawl cabdi Timir 34) Cusmaan Xaaji Cali 35) Mustafe Xaaji Maxamed 36) Mawliid Abiib Sodan 37) Mahdi Cabdi Tuur 38) Yusuf Ibraahim 39) Xamse Xaaji Xasan 40) Cabdiraxmaan Maxamed 41) Yasir Maxamuud Ibraahim 42) Xuseen Cabdillaahi (wanaagsane) 43) Aadan Cali Xamari 44) Axmed Cabdillaahi 45) Maxamed Cabdi Keyd 46) Shukri Cabdi Xuseen 47) Siciid Baashe 48) Cabdiqani Axmed Mire 49) Dayib Aadan Xabashi 50) Maxamed Qawdhan 51) Muxumad Cali Aw Xuseen 52) Faysal Cali Aw Cabdi 53) Maxamuud Aw Aadan 54) Cali Ducaale Seed 55) Cabdirisaaq Cali Ducaale 56) Maxamuud Jibriil 57) Xasan Cali Ducaale 58) Cabdiqani Diiriye 59) Xasan Sheekh Axmed 60) Cabdsamad Cali Ducaale 61) Cabdikariim Cali Ducaale 62) Xuseen Cali Ducaale 63) Mahdi Cabdillaahi Cumar 64) Khadar Cabdillaahi Cumar 65) Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cumar 66) Cabdiwahaab Naasir 67) Khalid Yusuf Axmed Xandule 68) Sulub Aw Cabdi Cambalaash 69) Khadar Aw Diiriye Muxumad 70) Maxamuud Qasabeeye 71) Siciid Qasbaaye 72) Ibraahim Muuse Xasan Walay 73) Kornayl Faysal Cali Qaafil 74) Yusuf Muuse Dage 75) Axmed Macalin Cusmaan 76) Dr. Cabdi Suudi 77) Dr. Ibraahim Jama 78) Ingineer Cabdirisaaq Cali Xasan 79) Axmed Jaamac Cabdillaahi 80) Rashiid Xasan Xirsi 81) Axmed cali Qaafil 82) Sheekh Maxamed Amiin Sh. Bashiir 83) Ibraahim Cabdillaahi Caalin 84) Cabdi Ruush Xuseen 85) Khadar Xasan Xirsi 86) Radwaan Dayib Cabdillaahi 87) Cabdiraxmaan Abiib Cabdillaahi 88) Cabdikhadar Xasan Cabdillaahi 89) Guleed Cabdillaahi Axmed Rooble 90) Cali Cabdi Rooble 91) Idiris Xuseen Cabdillaahi 92) Jaamac Maxamed Cawaale 93) Cabdiqaadir Ciise Kaahin 94) Cabdi Dahir Aadan 95) Xasan Nadalo 96) Maxamed Cabdi 97) Maxamed cabdi Gool 98) Ayaanle Maxamed 99) Ibraahim Cabdi Habreed 100) Khadar Khayre 101) Rashiid Xasan Xirsi 102) Aden Ibraahim 103) Khadar Gadaawe 104) Cabdicasiis Khadar 105) Axmed Mahdi 106) Xuseen Fiiraan 107) Daahir Axmed Jees 108) Ibraahim Daahir Colow 109) Xuseen Cali Rooble 110) Maxamed Ibraahim Muuse 111) Siciid Hugul 112) Nuur Cali Kooke 113) Maxamed Jaamac Dhalaax 114) Jaamac Axmed cagabaruur 115) Nuur Jaamac Maxamed 116) Cabdiraxmaan Jaamac Maxamed 117) Khadar Siciid 118) Cali Sandheere 119) Cabdillaahi Cismaan Dheere 120) Cabdiraxmaan Xuseen Xasan Gubadle 121) Ibraahim Salaan 122) Axmed Sheekh Cabdi Wali 123) Maxamed cabdillaahi Cabdi 124) Maxamed Xaaji Cismaan 125) Ilyaas Cali Rooble 126) Liibaan Qaambiil 127) Xayd Adan Jaamac 128) Jibriil Jaamac Jaanyar 129) Khadar Naasir Ayjeex 130) Maxamuud Xaashi 131) Cabdiqani Diiriye Aw Maxamuud 132) Cabdishakuur Mawliid 133) Abdisalaan Sheekh Daahir 134) Sahrmaarke Baadari 135) Mohammed Yusuf.
Salaanmedia/London