Warsaxafadeed….Kooxda Fanaaniinta Xidigaha Geeska Oo Sheegay Inay Joojiyeen La Shaqaynta Xukuumada Siilaanyo

FANAANTII GESKA

Sep 3, 2014 Hargeysa(SM) – Kooxda Fanaaniinta Xidigaha Geeska ayaa markii ugu horaysay  ka hadlay hab dhaqanka  xukuumadda silanyo isla markaana ku tilmaamtay xukuumadd qabyaaladeed,ka door biday fanaaniinta ay isku haybta yihiin silanyo,  sidaasi waxa ay ku sheegeen war saxafadeed ay soo saareen.

Waa markii ugu horaysay ee sidan oo kale ay u weeraran xukuumadda siilaanyo kadib markii Dhamaadkii Ramadanta ay Hargeysa Barnaamijyo ugu duubeen laba Tv oo mabnuuc ka ah Somaliland ,kuwaasi oo kala ah Tv ga afka xukuumadda muqdisho ku hadla iyo Universal oo ay xayiraad ka saartay gudaha somaliland xukuumaddu, intaasi ka dib waxa jirtay in ay xukuumaddu ka mabnuucday warbaahinta ay xukunto iyo barnaamijyadii ay madaxtooyada la qaban jireen.

Halkan ka akhriso warsaxafadeedka oo soo gaadhay Salaanmedia.

XIDIGAHA