WASAARADDA ARIMAHA DEBEDA EE SOMALILAND OO FASHILANTAY QAYBTII 2 AAD BY FAISAL FARAFIDIYE

Faysal
 

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan akhritayaasha sharfta leh, waxaanaan ku salaamayaa salaanta islaamka ee ASALAMU CALAYKUM,

Waxaan salaantaa mid la mid ah u dirayaa Bahwaynta reer waddani debed iyo gudeba waxaanaan leeyahay guushii way soo dhawdahay ee hawsha ha la laban laabo.
 
waxaan halkan ku soo dhawaynayaa xubnaha cusub ee dhawaan ku soo biray xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ee ay hogaaminayaan Adan Ruush iyo Sahra halgan waxaanaan leeyahay soo dhawaada saaxibayaal.
 
Haddii aannu nahay Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Madax iyo shacbba tabashada Reer Awdal waa mid aannu soo dhawaynaynaa cod dheerna waxaanu ku leenahy arintooda hoos ha loo eego, guddida loo saarayna waxaanu leenahay mudane Madaxwayne wasiiradii laga cabanayay uun baad guddi ka dhigtay ee guddidii aad tahriibta u saartay xagee bay ku danbay wataa maanta baroorti  hooyooyinku Burco il Hargaysa is qabsatay ee ubaxii Somaliland badhana badda ku leedeen badhna madax furashada loo haysataa oo xeryaha Tripoli  agteedda ku yaala sida adiga loogu kala iibsanayo ee ay u xeraysanyihiin labad nin  ee libyaankah MAQADE IYO MA GAFE.
 
Walaalahayga reer Awdal iyo dhalinyarada saaxibadoodii badaha ku leedeen waxaan leeyahay wax yar baa inoo hadhay, waxaana soo dhaw wakhtigii aad codkaaga ku ciil bixi lahayd ee mudadda yar aan dulqaadano ee berit ka tasho halkaad codkaaga marin lahayd horaa loo yidhi QOFKA MUMINKA AH LABA GOOR GOD LAGAMA QANIINO.
 
Wasaarada Arimaha Debada shaqadeeda ugu wayni waxay tahay inay fariinta iyo waxay shacabka reer Somaliland u gudbiso aduun waynaha, haddaba waxaa is waydin mudan wasaarada Arimaha debedu ma gudbisay fariintaas?
 
Wasaaraddii Arimaha Debedda ee wakhtigii D. Riyaale ee uu hogaaminayay Mujaahid Cabdillahi M. Ducaale;
1. wax uu calanka Somaliland ka babanayay waddanka Ghana iyo South Sudan oo markii xornimada qaateen laga saaray
2.Waddamadda aynu xafiisyada ku lahayn ee Africa,  Ghana,South Africa,Tanzania, Kenya, D.Jibouti iyo Ethiopia
3.Wadamadda ay wakiiladu inoo joogen ee Africa, Sengal, Nageria,Mozabique,Rwanda
4. xafisyada Europe aynu ku lahayn;  Farance,Italy, England, Irland, Norway, Sweden, Germany, Holland, Belgium.
5. Wakiilad Europe aynu ku Lahayn; Denmark, Finland, Switzerland
6. Xafisyad Asia aynu ku lahayn: China, Pakistan, India, Malaysia, iyo qaar kale.
7. Wakiilada Asia aynu ku lahayn: Saudi Arabia, Yemen, Kuwait, Qadar,United Arab Emirates
7. Xafiisyada America aynu ku lahayn: United States of America. Canada
Dhamaan xafiisyadaas iyo wakiiladaas oo dhanba waxaa lagu wareejiyay Wasaarada Arimaha debada ee Xukumadan maanta joogta ciidii u baahatana waxay ka heli kartaa wasaarada Arimaha Debada Xogtanina waa mid ka soo baxday wasaaradaas.
Dhamaan dalakaas oo dhami waxayn la lahayn xidhiidh joogta ah waxaana gaadhi jirtay fariinta Somaliland iyo kolba wixii aynu ka damacsanahay siyaasada arimaha debada, wakiilada iyo masuulinta xafiisyadaasi waxay ahaayeen dad ku hawlan hawlaha Somaliland had  iyo goorba oo Active ah.
Waxa intaa dheer MP xubnihii barlamaanda dalalka Europe iyo South Africa  ee u ololayn jiray Gooni is taaag Somaliland oo Carigan Ingriiska oo keliah bay dhawr iyo Toban Xubnood ka ololayn jireen.
 
Waxaa is waydiin mudan Xaggee bay ku danbeeyeen hawl wadeenadaasi oo dhami? maxaa si maanta ka nool ama shaqeeya oo Active ah?
 
1) Mar haddi Siyaasaddii Arimaha Debadii soo Oodantay
2) Mar haddi Galaydh oo Gaadhi wareegay saarani inagaga awood roonaaday siyaasaddii arimaha Debada inaka oo 12 gobol xukuna
3) mar haddi Dawladihii aynu jaarka ahayn albaabadii inga xidheen aduunwayne kale daaye
4) Mar haddii Dhaliyaradeen Libya xeryo looga oodtay dawladeenuna aanay ka war qabin.
5) Mar haddi xarunta Qaramada midoobay maamul goboleed la inooga aqoonsanyahay
6)Mar haddi Siyaasadeena Arimaha Debadu marayso Marxaladii ugu hoosaysay tan iyo intii aynu ku dhawaaqnay gooni istaaga Somaliland
7) Mar haddi fariinteeni ay ka dheereeyen fariimihii cadawgeeno.
 
Waxaanu aniga iyo shacabwaynaha Somaliland ee xariirta ahi qabnaa in Wasaaraddii Aramaha debadu Fashilantay oo ay ka gaabisay xilkii loo igmaday.
 
Waxaan kula talinayaa Wasirka Arimaha Debad inuu iska Casilo xilka uu u hayo Jamhuuriyada Somaliland.
 
Waxaan madaxwaynaha ka codsanayaa inuu masuuliyinta Wasaaradda Arimaha debad xil ka qaadis ku sameeyo maadama ay ka soo bixi waayeen xilkii loo igmaday ee ay qaranka u hayeen, waxsiirkana  u magacaabo wasaarada biyaha halkaas buu ku fiicanayahay ilayn waa kan faraha kala bixi waayay  biyo gelinta Hargaysa iyo Ceelka Xumba wayne.
 
WASAARADA GAASHANDHIGA;
 
 
Wasaaradan gaashandhigu waa halbawle waana xasaasi oo ciidankii qaranka ayaa hoos taga sidaas awgeed ma jecli in dhaliilaheed cadawga Somaliland ka faaiidaysto iyada waxaan ku soo koobayaa.
Ciidanka qarank waxa uu iga mudan yahay  Sharf, Qadarin Karaamo iyo xurmayn wayn oo aan u hayo, waanaan ku hambalyanayaa guulaha is dabajoogah ee uu soo hooyo wakhti kastab.
 
LA SOCO WASAARADAH FASHILMAY EE KALE OO AY KU XIGTO WASAARADA ARIMAHA GUDAHA
 
ALLA MAHAD LEH
 
Faisal farfidiye
 
waddaniga dhabtah