WASAARADDI​I ARIMAHA DEBEDA EE SOMALILAND OO FASHILANTA​Y BY FAISAL FARAFIDIYE

Faysal

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan akhrista yaasha sharafta leh,waxaanaan ku salaamayaa salanta islaamka ee ASALAMU CALAYKUM,
waxaan salaanta mid la mid ah u guudbinayaa Bahwaynta Xisbiga Waddani debed iyo gudeba.
Xukumad kastaba waxay la timaadda siyaasad ay dalkan ku hagayso, siyaasadaas oo qorsheheed leh iyo wasaaradaha sida ay u kala culaysiinayso,tusaale ahaan xukumadba culayska saarta siyaasada Arimaha gudaha,midba iyadu siyaasada difaaca culaysaka saarta, midba iyadu  siyaasada Arimaha Debadda ka door bida inta kale, waxaa ta barbar socda in wasaaradihii kalena aan la ilaawin ee iyana aanay hoos u dhac ku imanin ee halkii ay taagnaayeen markii ay xukumada cusubi xilka la wareegto lagu  ilaaliyo , qorshahaaso waa mid wakhti cayiman leh ee aan ahayn wax iska  furan.
Xukumadan kulmiye waxaad moodaa inaanu  qorshahaasi u dejisanayn ee uu kursigu uun u muuqday markii ay dabada la heleena uu xaalkoodi noqday WALEE DHULAWO KAMA KACO, iminkana oo tallo faraha ka baxdayna xaalkoodu yahay jaho wareer oo kolba gidaar ka soo goayaan, taasna waxaa kuu cadaynaya arimahan hoos ku qoran.
1. IS DHEX YAACA KA JIRA XUKUMADEEN.
a) Wasirka madaxtooyada oo aan isagu  xuduudba  lahayn oo inoo  sheegay inuu wax ka qabto kolba halkii looga baahdo.
b) Wasirka Arimaha Debada oo ku mashquulsan Biyo gelinta Hargaysa xili dalkii goodoon yahay oo xuduudihii oo dhami xidhanyihiin.
c) Wasirkii  gaashan dhiga oo debadaha wareegaya oo ururinaya qadhaankii waddooyin, kuna hawlan arimaha dhuxulaysatada gobolka Sanaag iyada oo dalkii loo qorshanayo duulano kala duwam.
e) Wasiirkii Arimaha gudaha oo ku hawlan samaynta E passport iyada oo midnimadii shacbku sii burburayso, aminigii yaraana khatar ku jiro.
f) wasiirkii Macdanta oo leh anigu maba aqaano distoorka dalku inuu dhigayo in heshisyada barlamaanka loo gudbiyo, hadda shalay markuu Kulmiye mucaaridka ahaa wuxuu Xukumadii Riyaale ku haysatay heshisyada maxay ugu gudbin waayen Barlmaanka, ninkii jiray wuxuu yidhi  maanakaa waalan mise tollow  Xamar baa la inooga heesayaa.
2. ISKU SHAANDHAYNTAN FARA BADATAY HADANA AAN WAXBA KA SOO KORDHINAYNIN.
a) Isku shaadhantii hore waxaa ugu muhimsanaa Wasaarada Arimaha Debada iyo Wasaarada Arimaha Gudaha waxaa is wadiin mudan maxaa is bedelay ee aan ahayn  magacyadii labda masuul. taa macneheedu waxay tahay waxaan oolin qorshe siyaasadeed oo u yaala wasaaradaha oo uu hiigsado masuulka yimaada laguna xisaabtamo.
3. SIYAASADA DABDEMISKA AH EE XUKUMADEENA;
a) Xukumadeenu waxaay isticmaasha siyaasada dabdemiska ah taas oo  macneheedu yahay marka dhibaato  dhacdo in laga dabo tago ee aan  laga hor tegin , siyaasadaas waxaa isticmaala cida aan marka hore waxba  u qorshaysnayn.
Tusaale marka Ciidankeenu hawgalada qaadayo waa inay jirta diblamaasiyad barbar socota hawgalka ciidan waxaynu ogayn hawgalkii Taleex ee Ciidanku sida geesinimada leh u galay laakin nasiib daro waxay ahad inaan siyaasad arimaha debada oo Aduunwaynaha iyo dawladaha jaarka ah khusaysaa aanay barbar soconin taasni waxay in dhaxsiisay in la ina yidhaahdo ka baxa, hawgalkan u danbeeyay ee salax-dheer baa isna sidaas oo kale u dhacay in la ina yidhaahdo ka soo  baxa inaka oo dhulkeeni difaacayna baynu aduunwaynihii ka iibin kari waynay ee ma wax kale baynu ka iibin karnaa.
Xalkeenuna wuxuu ku dabeeyay dabdemiskii oo waata la leeyay wasirkii Arimaha debadda iyo kii gudaha ayaa Adis u baxay, kii Arimaha Debaduna Maraykan buu ku sii socdaa si dabdemis u sameeyo.
Siyaasada dabemiska ahi  khatar wayn bay in gelinaysaa oo Cadwgeenana Garab iyo tol buu helayaa inana tol laan baynu istaagaynaa
4.SIYAASADA BAAXA DEGAYSA EE KU WAAJAHAN U.N TA;
a) Waxaa wax lala yaabo ah  Siyaasadan baaxa degaysa ee ku waajahan  dhinaca UNta ee marna aynu dalka ka saarayno diidnayna inuu xafiis ka furto oo aynu sabab uga dhigayno inuu inoola dhaqmay hab maamul goboled, haddana aynu u yeedhayno isaga oo aan wax ka bedelin hab dhaqankiisi Hargaysana ku soo dhawaynayno, markuu inaga tagona uu warbixin aduun waynaha u gudbiyay inaynu ogolnahay habka fidaraalkah.
Isku soo wada dub oo qodobadaasi waxay ka makhaati kacayaan inaan markii horena aanay Xukumadani qorshe siyaasadeed la imanin, ininkan aanu jirin qorshe u yaalo oo xaalkeenu yahay ALLAW SAHAL AMUURAHA.
LA SOCO QAYBTA 2AAD EE AYNU HOOS UGU GONDO DEGAYNO WASAARADA ARIMAHA DEBAD EE FASHILANTAY.
LA SOCO WASAARADAHA KALE EE FASHILMAY
LA SOCO GEBO GEBADA IYO GUNAANADKA SIYAASADDA XUKUMADEEN
LA SOCO SIYAASADA UU QORSHEEYAY XISBIGA MUCAARIDKA AH EE WADDANI
LA SOCO QORSHAHA U DIYAARSAN XISBIGA MUCAARIDKA AH EE WADDANI INUU DALKAN KU BADBAADIYO

 
ALLA MAD LEH
Faisal Farafidiye
waddaniga dhabta ah