WASAARADII ARIMAHA GUDAHA EE SOMALILAND OO SI WAYN U FASHILANTAY BY FAISAL FARFIDIYE

Faysal

Waxaan halkan ka salaamayaa warbaahinta xorta ah iyo akhristayaasha sharafta leh waxaan ku salamaayaa salanta Isalamka ee ASALAMU CALAYKUM.

Waxaan halkan ka tacsiyadaynayaa ehaladii iyo aqaaribkii ay ka tegeen labada sarkaal ee ciidanka qaranka ka tirsanaa ee lagu dilay degmada Qori lugud.
Waxaa halkan ka canbaaraynayaa Xukumada Somaliland habak ay u maamushay aaskii labadaa geesi oo lagu aas magaalada Oog iyada oo aan waxba laga waydiinin ehelkii labadaa sarkaal ee iyaku xaqa u lahaa aaskood iyo iyaka oo mudnaa in aas qaran loo sameeyo qiimah ay qaranka ku lahaayeena la mariyo taas laga door biday ololaha diwaangelinta dhoobdhoobka ah ee ay ka qayliyeen reer Somaliland.
 
Waxaan halkan ka tacsiyadaynayaa eheldii iyo aqaaribkii u ka geeriyooday wiilka yar ee hooyadii gacanta haystay ee maanta ciidanka aanaanu garanayn meelay ka tirsanyihiin iyo cida ay ka amar qaatan ee ku mamay dhiiga ubaxa Somaliland RRU  ee maanta baabuurtii  ay wateen korka ka mariyay wiilka geeriyoday iyo hooyadiis oo dhawac halis ah iyo inta kale ee la jiifa dhawac ka soo gaadhay xabadihii ay ciidankaas la dhaceen , dhacdadan foosha xun ee maanta ka dhacday magaalada Gabilay  waxay ina xusuusinaysaa dhacdooyinkii keligii taliyihii ina soo maraya ee aynu halgankii dhiga badani ku daatay iskaga dul qaadnay.
Waxaa ayaan darro ah ninkii hogaaminayay halgankaas inuu maanta ku kaco wixii u ka hagamayaa waa wax aan caqliga fayawi qaadan karayniniyo ayaan darro inagu habsatay weeye,  haddii aannu nahay Xisbiga mucaaridka ah ee waddani waa mid aanu aad iyo aad uga xunahay.
Wasaaradda Arimaha Gudaha markaynu eegayno waxaynu diirada saarayna laba arimood
1. la dagaalanka tahriibta
2. Midnimada shacabka reer Somaliland.
 
1.LA DAGAALANKA TAHRIIBTA;
Hal ku dhegii Kulmiye ee uu doorashada ku galay wuxuu ahaa UDUB WAY TEGAYSAA EE WALAAYAAL HA TAHRIIBINA
Maanta marxalada tahriibta maraysa waynu wada ogsoonahay oo wax qarsoon ma waxay gaadhay marxaladii ugu xumayd nolesheen intii alle ina abuuray, waxaa ayaan darro ah Xukumadeeni inay xitaa wax kale iska daayee ay xitaa tacsidii kala masuugtay inaay tacsiyadayso ubaxeena  badaha  ku rogmaday iyo inta kale ee madax furashada loo haysto iyada oo addunwaynaha oo dhami tacsiyadaynay ilaa wadaadka kinisada Rome haysa.
Indho adayga xukumadeena ay ah inay haddana maalinkasta xaflada qalin jebinta ka faanto halkii ay ka gaban lahayd indhahana ka qarsan lahayd ilayn kuwii ay sanadkii hore u xidhay qalin jebintoodii baa tacsidoodii loo fadhayaa iyo baroorti hooyooyinka laga maqlayaa golaha ay ka faanayaan.
Waxaa ayaan darro ah in wasiirka dhalinyarada iyo ciyaarauhu yidhaado xukumadu waxba kama qaban karto
Waxaa is waydin mudan suaalahan mudane Wasir [ Wasir ka arimaha Gudaha}
1. Xagge bay dhallinyaradani ka tahriiban?
2. Shabakadahan tahriibiya xaggay Joogaan?
3. Maxaa loo qaban waayay hal qof oo ka tirsan shabkadahan?
4. Halkii bay ka dhoofan dhallinyaradan?
5. RRU dan habeenkii caruurta iyo hooyooyinka u dhaca ama baaburta jiidhsiiya maxay wax uga qabanwaayeen?
Suaalahaas haddii aan isku dayo inaan ka jawaabo
1.Dhallinyaradan waxay ka tariibaan Somaliland badidoodna Hargaysa.Burco.Borama. Ceergaabo, iyo Laascaano waxaan
Shabkadaha tariibtuna waxay xafiisyo ku leeyihin Hargaysa, Burco,Borama, madaarada Hargaysa, iyo Berbera na way ka dhoofan, waxa cad oo aan shaki ku jirin inay madaxda qaranku ka mid tahay shabkadaha waxa tahriibay oo ay xukumadu lug wayn ku leedahay  oo iyaka oo gelbinaya ay madaarada dalka iyo xuduudah ka talabiyaan dhaliyaradii ay shalayto ka qudbadaynayeen qali jebintoodii sababtaas baana keentay in hal qof oo keliah la qaban waayo.
Wasaarada Arimaha Guduhu way ku fashalintay inay wax ka qabato tahriibta waana ayaan darro dalkeen ku habsatay.
 
2. MIDNIMADA SHACBWAYNAHA SOMALILAND;
Hal ku dhegi Daahir Riyaal ee xil wareejintii WAXAAN MAANTA KU WAREEJINAYAA DAL IYO DAD MID AH EE HA LAGUGU YIMAADO.
Maanta waynu aragnaa halkaa midnimadii xalkeedu maray taas oo aynu ognahay sida la isaga hor keenay dadkeeni oo xaafdiba xaafada kale uga shakisantahay cadawga kowaad ee midnimadu waa qabyaalada maanta dabarka goosatay taas  uu dalka ka qabsoomay 45 shir beeled intii xukumadani jirtay  halka xukumadii ugu dabaysayna 1 shir beeled ka qabsoomay oo ahaa kii Garadag
taas oo ka dhigan inay Xukumadeenu iydu xambaarsanayd qabyaaladan dabarka goosatay.
Cadaaladu waa tirka midnimad, midnimaduna waa tirka qarannimada .
haddii cadaalad la waayo midnimo majirayso, haddii midnimadu meesha ka baxdo qaranimaduna xaalkeedu waa allow sahal amuuraha taas oo aynu maanta ku jiro.
 
Kol haddii xaalkii midnimada laga dayriyay  waxaan arkaa in wasaarada Arimaha Guduhu Fashilantay .
marka aynu eegno labada arimiood oo ugu waawayn shaqada Wasaaradda Arimaha gudaha iyo Aminigii oo lala daaladhacayoWAXAA INOO CAD IN WASAARADA ARIMAHA GUDUHU SI WAYN U FASHILANTAY oo ay ku fashilantay xilkii lo igmaday.
 
Waxaan ku al talinayaa inuu Wasirka Wasaarada Arimaha Guduhu Is casilo si uu dalku inta yar ee haddhsani u badbaado
Madaxwaynaha qarankana waxaan u soo jeedinayaa inuu xilka ka xayuubiyo dhamaan masuuliynta wasaarada Arimaha Gudah oo weliba Wasirka oo aad u jecel had iyo goorna ku faano nabadsugidii faqash in loo magacaabo Sirdoonka qaranka malaa halkaas buu ku fiicanyahay.
 
Shacbiwaynaha Somaliland waxaan leeyahay maanta waynu aragnaa halka xaal marayo,  
1. Waxaa la gaadhay wakhtigii aynu isku duubnaan lahayn Mucaarid iyo Muxaafid si qaran loo badbaadiyo
2. Waxaa la gaadhay wakhtigii aynu banaanka u soo bixi lahayn ee aynu odhan lahayn Abeed, Kifaaya iyo ma ogolin.
3. Waxaa la gaadhay wakhtigii aynu hor jogsan lahayn Dilalka qorshaysan, afduubka weriyasha, xadhiga iyo cabudhinta saxaafada, caga juglaynata iyo caruurta iyo maatada habeenkii loo dhacayo
4. waxaa la gaadhay wakhtigii aynu iska dulqaadi lahayn xukumadan aan la garanayn cida ka talisa
5. waxaa la gaadhay wakhtigii aynu ku dhawaaqi lahayn dawlad midnimo qaran oo ay dhisaan qaybaha bulshada oo dhami si dalkan loo badbaadiyo ilayn tan maanta lama eegan karo.
 
ALLA MAHAD LEH
 
Faisal Farafidiye
Waddaniga  dhabta ah