Wasiir Xirsi….“Kuwa siyaasada ku saaqiday ee aan garnayn wax aan qabyaalad ahayn, ayaa shaqo ka dhigtay Xirsi Madaxweynaha ayay isku reer-yihin”

wasiir xirsi

“Kuwa siyaasada ku saaqiday ee aan garnayn wax aan qabyaalad ahayn, ayaa shaqo ka dhigtay Xirsi Madaxweynaha ayay isku reer-yihin”

Hargeysa (SM)-Wasiirka madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa markii u horeysay jawaab  bixiyay hadalo la isla dhexmaraayey ooahaa inuu madaxweynuhu sameeyay Raysal wasaare dadban.

Wasiirka madaxtooyadda oo mareegtiisa facebooga hadal qoraala ku soo qoray ayaa waxa uu yidhi.

“Wasiirka Madaxtooyadda ayaa sheegay in mucaaridkii jhadii ka luntay,waxaanu yidhi “Haddii Qoladii mucaaradka ahayd jahadii ka luntay oo ay waayeen wax ay dadka u sheegaan waxaan leeyahay siyaasad noqon mayso hebal baa caynkaa yidhi iyo hadalka madaxweynaha turjumaada khaldan aad ka samaysaan.”

“Waxay ahayd madashii loo dhamaa ee lagu marti qaaday Maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka waxaanu ahayn 4 xubnood oo wasiirro ah, waxaana dhinaca Madaxweynaha noogu xigay Cali Warancade hadalkana isagaa noogu horeeyey, markii uu madaxweynuhu qaatay hadalka wuxuu ku hadal qabsaday Waran-cade oo yidhi “Sidaa Wasiirku yidhi, kadibna raaciyey wasaaradu isagoo uga gol leh in laba Wasiir goobta ka hadleen. Balse ninka shaydaan qaato beentana sheegayaa xaqiiqada uma baahdo ee wuxuu yidhaahdaa wixii uu doono,”ayuu yidhi Wasiirku

Waxa kale oo uu ku kabay “Hadii aanad Xishoonayn waxaad doontaba samee” Waxaa muuqata in hadalkii inta laga dhex-saaray intii isku xidhaysay in laga dhigay Been cad oo odhanaysa “Wasiirka Wasiirrada” Bal waxaad eegtaa waxaa meesha Fadhiyey Afar Wasiir ee maxaa Xirsi Gaar u tilmaamay? Dee kuwa siyaasada ku saaqiday ee aan garnayn wax aan qabyaalad ahayn, ayaa shaqo ka dhigtay Xirsi Madaxweynaha ayay isku reer-yihin iyo wax aan macno weyn lahayn,”

Wasiir Xirsi waxa uu mucaaridka ugu baaqay in dalku doorasho geliyo oo ay la tartamayaan xukuumadda,waxaanu yidhi “Gabagabadii waxaan leeyahay Axsaabta Mucaaradka: Aynu ku tartano wax-qabad dalkuna doorasho ayuu galayaa ee u soo diyaar garooba hana carqaladaynina.Wa Bilaahi Tawfiiq.”

Salaanmedia/Hargeysa

10635799_348601238638609_7023683264789803121_n