wasiir xirsi oo isu diyaariyay inuu sidii ina cumar geele xukunka uga dhaxlay xasan guuleed u dhaxlo siilaanyo!,

 

wasiir tuug (1)

wasiir xirsi oo isu diyaariyay inuu sidii ina cumar geele xukunka uga dhaxlay xasan guuleed u dhaxlo  siilaanyo!,
 
tan iyo markii kursiga loo doortay madaxweyne siilaanyo badhtamihii 2010 kii ayuu liiskii ugu horeeyay ee golihiisa wasaarada ku magaabay xil umadu garan weyday oo aanay hore ugu soo shaqayn dowladihii isaga kursiga uga horeeyey xilkaas oo uu u magacaabay wasiirka madaxtooyada xirsi cali xaaji xasan kaas oo ahaa Chief of Cabinet markii umadu fahmi weyday xilka uu dalka ka hayo wasiirka madaxtooyadu xirsi ee la arkay inuu wasiirada iyo madaxweyne kuxigeenka dalka saylici ka awood badan yahay dastuurkana baalmarsan yahay ayuu madaxweyne siilaanyo isku shaandhayn ugu bedelay xirsi magacii uu xukuumada kaga hawlgelijiray oo uu ka dhigay wasiirka madaxtooyada wuxuuse u daayay awoodii qarsoonayd ee uu xukuumadiisa ku dhex lahaa!,
 
wuxuu wasiirkani awoodii ka qaaday oo uu qariyay meeshana ka saaray madaxweyne ku xigeenkii dalka oo mar lala doortay madaxweynaha wuxuuna dudmo kaga tegay xafiiskiisa saylici isaga oo ka cabanaya wasiir xirsi halkaas oo ergo ay kamid ahaayeen gudoomiyaha baarlamaanka ahna gudoomiyaha xisbiga wadani c/raxmaan ciro ay ladqabo ku soo celiyeen! inta wasiir ee xilka qaranka ka tegey ee cabashadooda sabab uga dhigay inay wasiir xirsi ka shaqayn kari waayeen tiro laguma soo koobi karo! xitaa badhasaabkii gobolka togdheer ee xamarji ayaa farogelin uu ku hayay shaqada uga tegay! wuxuu gaadhay inuu noqdo qofka jamhuuriyada Somaliland ugu hadal haynta badan!,
 
wasiirkani wuxuu dhextaal u ahaa khilaafka ragaadiyay xisbiga kulmiye isaga oo laba u kala saaray xukuumada iyo xisbiga wuxuuna awoodii ka qaaday hogaankii xisbiga kana dhigay qaar aan saamayn badan ku lahayn talada dalka oo xafiis kooda iska dhex fadhiya!,
 
wasiir xirsi wuxuu maroorsaday oo gacanta ku dhigay qaadhaanka wadada ceerigaabo oo dhaqaalo badan loo ururiyay lacagtaas gacantiisa soo gashay oo aan ilaa hada aan lamarin wasaarada maaliyada iyo banka dalka lama garan karo cadaka uu hayo haduu olole siyaasadeed ku galo iyo haduu (account) akoon dibada ah ku shubto cid ogaankarta oo taqaan wuxuu hayaa ma jirto !,
 
deegaanada bariga Somaliland ee dhibaatadu ka dhacday sida deegaanka kalshaale iyo baliga diiriye guuleed qofka la tuhunsan yahay inuu dabada kariixayo waa xirsi  ilaa hadana xukuumadu xal kamay gaadhin gudi loo saaray mooye, wuxuu awoodii ciidan kaqaaday taliyihii ciidanka ee waqtigaas kornayl jidhif oo uu ku qabsaday qaabka ciidanka loo hogaaminayo markuu jidhif ka diidayna xilkii ayuu ka qaaday waa nin isu haysata inuu wax walba yaqaan ama xariif tuulo!
 
safarkii u danbeeyay ee madaxweyne siilaanyo ku tegay boorame iyo jaamacada camuud wuxuu muujiyay wasiir xirsi awoodiisa aanu qarsan kadib markuu halkursi uu lafadhiistay madaxweyne siilaanyo kadibna  uu labadalugood isdulsaartay siduu dalka madaxweyne kuxigeen kayahay!,
 
waxa dhacda marka weftiyada xukuumadu safraan ee uu isna xubinta kayahay wuxuu maroorsadaa hogaanka weftiga sidii dhacday safarkii ay xukuumadu ku tagtay magaalada taleex oo uu kaqaaday wasiirka arimaha gudaha cali waran cade hogaaminta waftiga oo uu xaq u lahaa iyo safarkii dalka maraykanka ee uu hogaaminta weftiga ka qaaday wasiirka arimaha dibada mastar maxamed biixi yoonis,
 
waxaas oo dhan waxay tusaale u yihiin awooda sharcidarada ah ee waiirkaas madaxtooyada gacantiisa ku jirta iyo siduu sharcigii iyo kala danbayntii dowladnimo karaamada uga qaaday isaga oo awood ka haysata madaxweynaha oo u dhaqmaaya boqor dal xukuma iyo wiil uu dhalay oo awooda dalka loo taba baraayo!
 
awel hore dadku waxay ku muransanaayeen  wasiir xirsi iyo hab dhaqankiisa siyaasadeed iyo ka sharci laakiin maanta ayuu madaxweyne siilaanyo cadeeyay oo shaaca ka qaaday inuu yahay wasiir xirsi wasiirka wasiirada dalka oo macnaheedu yahay raysalwasaare dadban waxaanay taasi tusaale u tahay in dalku sharcigii u yaalay ka leexaday oo awoodii dalku cid aan loo dooran gacanta u gashay!,
 
waxa loogu yeedhay diiwaangelinta madiniga ah ee shalay xirsi ku nuux nuuxsanayay markuu madaxweyne siilaanyo ku dhawaaqayay awooda uu dalka ku leeyahay waa mid la rabo in lagu majaro habaabiyo dooroshooyin dalka kadhaca oo xalaal ah waxaanay horseedi doontaa kala qaysanaan cusub oo bushada ka dhex abuuranta waxaana sabab u noqonaya marka deegaana loo badsho meelaha laga codaynayo deegaanada kalena lagu yareeyo ee aan si siman loo qaybin, deegaanada la degen yahay way kala dad badan yihiin laakiin hadaan si cadaalad ah loo qaybin oo loo eego halka xukuumada iyo xisbil xaakinka kulmiye codka ka helaan waxa ka dhalan karta khilaaf bulsho oo ku salaysan awood tirsi iyo inay dalka ku reebto raad ka xun kii golayaasha deegaanku ku reebeen markii dalka laga dooranaayay,
 
dalku wuxuu u baahan yahay in sharciga dib loogu soo cesho si aanu haadaan uga dhicin waxa loo baahan yahay in la abuuro siyaasad qaro leh oo lagu kasbado beelaha darafyada ee ka cabanaaya awood qaybsiga siyaasada, waxa kale oo loo baahan yahay in dib loo soo cesho kalsoonidii siyaasada arimaha dibada ee beesha caalamku inaga qabtay ee iyana luntay kadib markii ay xukuumadeenu ka dhamaan weyday shir madhalays ah oo ay la furtay xukuumada muqdisho taas oo caalamku u qaatay dad kala cadhooday oo u baahan in shir dib u heshiisiin ah loo qabto! waxa loo baahan yahay in la helo dowlad soo celisa siyaasadii inaga dhaxaysay dowladaha deriska ah oo maanta meelxun maraysa,
 
waxaas oo siyaasad xumo ah ee dalka gaadhay waxaa sabab u ah wasiirkaas madaxtooyada ee awoodii dalku gacanta u gashay ee hadba meel inoola anbanaaya wax awooda oo gacantiisa kujirtaa ma jirto madaxweynihii dalka loo doortay keliya waa maqaarsaar magaciisa iyo muuqiisu uun joogo oo kooxda dalka xukunta ee xirsi u budhtuurka yahay  waxay doonaan ka fushadaan oo marsadaan sidii visa card bank markay muraadkooda qumsanayaan!,
 
taladaas xirsi ee aynu eednay ee cawaaqib xumideeda aragnay ee dalka halkaas dhigtay ayuu weliba xirsi rabaa inuu siilaanyo kursiga iyo xisbiga kadhaxlo sidii ina cumar geele xasan guuleed u dhaxlay oo uu dib inoo xukumo! maba oga inay intani inagaga filaatay oo aynu khatyaan ka taaganahay oo aynu leenahay waar yaa inaga qabta! oo dalka iyo dadku taagan yihiin sidii waraabihii hashu ku jiifsatay intuu is yidhi cun markuu meel uu uga baxo waayay ( cawiyo Ayaan badanaa nimay caweer katoostoo waxaba yaanu cunine cidladiisa u carara!) waar waxba gashi iyo godob u raacimaynee yaa dalka ka qabta ninkan gaaban ee loosoodiray ee suulcawro lamoodo intaanu u dhamayn!. 
 
aadan axmed nuur