XAALADA BIRIIJKA HARGEISA OO HALIS KU JIRTA, LAGANA CABSI QABO IN UU DUMO 

Tariikh kooban.

XAALADA BIRIIJKA HARGEISA OO HALIS KU JIRTA, LAGANA CABSI QABO IN UU DUMO 

Tariikh kooban.

unnamed

 

 

 

 

 
Taakiihdu markay aheyd 1967 ayaa Suldaan Rashid Suldan Abdilaahi oo ahaa xildhibaan baarlamaanka somaliya ee dowladii “Abdirashid Ali Sharmaake” waxa uu safar shaqo ku tagay dalka faransiiska, waxa uu masuuliyintii dalka faransiisk u gudbiyey caqabada biriij la’aanta hargeisa taas oo uu tilmaamay in marka “Dooxa” hargeisa soo rogmado in aan labada daamood ay kala go’aan caqbad weynina ay ku timaado isu socodka gaadiidka iyo dadka.

Dawlada faransiisku waxay aqbashay in ay ka jawaabto cabashadii xildhibaanka, waxaanay balan qaaday in ay dhisto biriijka hargeisa.

Qandaraaska dhismaha waxaa ku guuleystay shirkad talyaani ah oo fulisay dhimishiisa 1968, waxaana dhagax dhigay Suldan Rashid Suldaan Abdilaahi iyo raysalwasaare Maxa’ed X. Ibraahim Cigal 

ilaa xiligaas oo laga joogo 46 sanno, waxaa dayactir muuqda mar ku sameeye maayar “Cawl Cilmi Abdle” in tii kadanbaysay cid hagaajin iyo dayactir uu helay midna ma jirto, xaalada hadda uu biriijku ku sugan yahay waa halis aan la daawan karin, 


muuqaalka sawirkan waa biriijka hargeisa, waxaad arkeysaa in biyo mareenka kaliya ee dooxu yeeshay uu yahay labada rukun ee dhexe, halka rukunka koonaha uu owdmay, lagana dhigtay wajahadiisa baloodho la dagay oo caqabad ku ah in biyuhu u qeybsamaan sadded rukun .
Biyaha fadhiya rukunada hoostoodu waxay qodayaan camuuda, sababna u noqon doonta in uu dago oo uu nuglaado qoditaana ku keento oo u dago biriiijku, halkaas oo aad maanta dareemeyso markaad dulmareyso dhaqaaqa iyo ruxanka ka baxaya marka gaadhi lix tan ahi marayo ama laba bas ku kulmaan.

masuuliyintii loo egmaday wax ka qabashada baylahada magaalada, oo og baylahda biriijka hargeisa in ay maanta indhaha ka qarsadaan, haddii maanta uu dumo maheyno awood aynu ku dhisano, waxaad ogaydeen biriijka labaad dhibta inaga qabsatay iyo dhaqaalo la’aanta ay muujisay iyo hawsha inaga gaadhay, haddii kani dumo waa ayaa daro iyo caqabad ummada ku soo wajahan.



Si arintaas looga hortago waxaanu u gudbinaynaa cabashadaas “wasaarada Hawlaha guud” maadaama oo aanu jirin gole deegaan oo iska xilsaaraya arintaas, ama maayar ka damqanaya aafadaas soo socota.

Beebka Biyaha u gudbiya degmooyinka “Ahmed Dhagax iyo Mahamud Mooge”

sawirka xaga sare ka muuqdaa waxa uu ku tusayaa beebka waraabiya afarta degmo ee kala aha Ahmed dhagax, 31may , Mahamuud haybe, iyo Maxa’ed mooge, tiirka aad arkeysaan ee shubka ah waxa uu difaacayaa beebka biyaha waxaanu sawirkani ku tusayaa in uu dumayo gaabyankani isla markaasna beebku go’idoono, waxaa dhinaca kale yaala biyo ku jira ilaa bilaayon , wasakh iyo cuduro ka dilaaci karaan , wakaalada biyuhuna war iyo wacaal toona uma heyso. waxaan kula talin lahaa intaanu go’in beebkani in laga hortago oo aan sidan lagu sii eegan, inta uu go’ayo oo mar aan waxba laga qaban karin lagu hanbabaro.



Garaad Mahad Max’ed Abdi
 Tell:- 0634854791
 0633661359