Xaalka xukuumadu wuxuu marayaa tuugii baxnaayaw lagu tilmaan!!!!!!!!!!!!

muqaal

Maqaalkaygan waxaan doonayaa in aan kaga hadlo, diwaan galinta xukuumada Somaliland ee madaxwayne siilaanyo hogaaminayaa soo bandhigtay iyo buuqa ka dhashay.

Wayfiicantahay diiwaangalinta madaniga ahi lakiin  laftimirbaa ku jirta , xaaladuna waa doorasho ka carar!!!!

Maxaan kucadaynayaa , in sidan xaalku yahay xukuumaduna doonayso doorasho ay boobto oon xalaal ahayn  , akhriste sadex tusaale aan ku siiyo kadibna maskaxdaada la kaasho.

Somaliland xiligan waxaa laga sugayaa doorasho in ay qabato  , lakiin lagama sugayo  diiwaangalin madani ah,  hadii  meel cidla ah roob kaa helo  niyadaada mawaxaa ku soo dhacaysa xareeda aad cabtid mise halkee baad ka gali roobka???!

Anigu hadaan kajawaabo  su aashaas  roobka meel aan kagalaan raad sanlahaa, lakiin xukuumadu xareeday sugaysaa in ay ka cabto.

Adoo safar ah  ma meesha aad tagayso ayaad ka fakaraysaa mise gurdada aad caawa seexanayso,   anigu hadaan ka jawaabo meesha aan tagayo ayaa igu culus lakiin xukuumadu waxay ka fakaraysaa  meesha ay seexanayso iyo kordhis.

Somaliland , ma warqadbaynu kunoqonaynaa  computerka lagu sameeyay mise  waa wax qalbigeena ku jira.

 Somaliland Caalamka waxay ka iibinaa , doorashooyin  iyo wankeena madaxa madaw,   xoolaheenu waxay ubaahan yihiin  caws loo beero,  dawladnimadeenuna waxay ubaahantahay talo iyo caqli , lakiin uma baahna xeeladaha xukuumada ee ah tuugii baxnaayaw la gu tilmaan.

Qofkastow, bal niyadaada su aashan lakaasho,  !!!! hadii qofku eryanayo ma wajigiisaa kugu wayn in aad aragto mise  in aad ka dheerayso oo aanu ku qaban?!!!!

Hadaan anigu sida ay ila tahay uga jawaano,  waan ka ordilahaa, lakiin xukuumadu hadii ay ka jawaabto wajigiisay sugilahayd inta ay arkayso.

Suuragal  matahay  iydoo  8 bilood hadheen in xukuumadu  horumar ku fakarayso , iyadoon olole wadanin.  Xiligana ololaheedii waxay ka bilowday indhihii dadka oo computer  la ggalinayo.

 Waayo hore waxaa gobolka sanaag caan ka ahaa nin la odhan jiray yoonis tuug, oo  adhiga  iyo xoolaha dadka si xarfadaysan uga xadi jiray. Qofkastaana xiligaas wuu yaqaanay yoonis toog iyo wiila shiisa xarfaanta ah.

Maalin buu soo maray gabadhyar oo adhi la joogta, kuna heesaysa yoonistuugow lagu turturuq tuugii baxnaayaw lagu turturuq.

Kadibna inantii  buu ku soo baydhay , wuxuuna kuyidhi adeer waa naf inaga oo kale ayuu leeyahay ee  waxaad tidhaahdaa,  YOONIS TUUGOW LAGU TILMAAN TUUGII BAXNAAYAW LAGU TILMAAN.

Wasiirka wasiirada Somaliland ee mr xirsi ee  waayuhu inoo keenay xaalkiisaa waa kaas.

Waa qalinkii c/risaaq axmed jaamac

abdisiminar@hotmail.com