xeerka ciidanka madaxweyne siilaanyo soo saaray wuxuu wadanka u horseedi karaa burbur iyo dagaalo sokeeye

MAQAAL

xeerka ciidanka madaxweyne siilaanyo soo saaray wuxuu wadanka u horseedi karaa burbur iyo dagaalo sokeeye.

waxaynu ka wada dheregsanahay dhibtii somaliland ka soo martay ciidan beeleed iyo intii ay inagu qaadatay in ciidan beeleedkii la qarameeyo
waxaynu kaloo la soconaa dhibnta malayshiyo beeleedku ku hayaan dalkii aan ka gonay ee soomaaliya iyo xaalkiisu halka uu maraayo
hadaba tallaabadan madaxweyne siilaanyo qaaday maanta ee uu ciidamada goonida ah u qoraynayaa waa maxay?
ciidamadii qaranka miyaa la aaminiwaayey?
hadii xukuumadu ciidankii qaranka aamini wayday ma ciidan ka duwan ayaa wax u taraya?
miyaanay xukuumada iyo dadka danta gaar ahaaneed ka wataa arintan aanay ogayn  in aan aduunyadu ka yeelayn in dagaalo hor leh laga abaabulo geeska afrika?
degaanada loo qoranayo ee maanta cadawga xukuumada siilaanyo u aragto ee somaliland
oo sida madaxweynuhu cadeeyey ah kuwa shidaalka laga baadhayo sida saraar, guban barriga, saaxil, sool iyo oodweyne, ma yeelayaan iyagoo awelba dulmi tirsanaayey in ciidan xoog ku muquuniya loo qorto?
waxaan filayaa taasi in ay adkaandoonto
miyaanay xukuumadu u muuqan mid wadanka dib ugu celinaysa ciidan beeleedkii laga soo gudbay waqti hore? 
 sida ciidanka loo qorayo cida la siiyay kontaraagyada kuwa ciidamada shidaalka iyo kuwa shidaalkaba in ayna ku jirin degaanada laga baadhayo shidaalku
marka waxaas oo dhami jiraan oo aynu ka wada war hayno sida loo maamulay
waxay u eegtahay in xukuumada talada dalka haysaa khatar ku tahay nabadgelyada dalka iyo shicibka somaliland iyo midnimadiisa oo ay kurinayso dagaalo sokeeye iyo colaado hor leh
oo burbur ku keenaaya midnimada shacabka somaliland.
waxaa loo baahan yahay degaanada shidaalka laga baadhayo  dadka degani in ay ka diyaar garoobaan wixii ay ka yeelayaan oo xiidh iyo wada tashi ka sameeyaan arimahan xukuumada siilaanyo la timi
miyaanay haboonayn in wax garadka somaliland ee wadanka iyo dadkaba lexo-jecladu ka haysaa inay ka hortagaan inta aan talo faro ka bixin?
miyaanay haboonayn in xukuumada loo cadeeyo in waxa ay wadanka ka wadaan khatar ku tahay amni-qoomiga somaliland
wabillaahi tawfiiq