Xisbi Mucaaridka WADDANI Oo Taageeray Baaq Ay Xukumadda U Gudbiyeen Odayaasha Reer Awdal

Hargeysa(SM)Xisbi Mucaaridka WADDANI Oo Taageeray Baaq Ay Xukumadda U Gudbiyeen Odayaasha Reer Awdal

 Waddani

Halka Akhri Warsaxafadeed Uu Soo Saaray Xoghayaha siyaasadda ee xisbigaasi Oo Lagu Taageerayo Baaqa Odayaasha Reer Awdal U Gudbiyeen Madaxweyne Siilaanyo.

 
”Kadib  markii aan aragnay qoraalka garnaqsiga ah  ee ay  soo diyaariyeen beelaha reer awdal kana muuqato cabashooyin la xidhiidha xaga saami qeybsiga dawlada iyo shaqaaleysiinta muwaadiniinta.

 
Kadib marka ay beelaha reer awdal usoo gudbiyeen cabatinkooda si hufan oo aan haba yaraatee turxaan laheyn
Kadib marka beelaha reer Awdal ay ku tiraabeen taariikhda ay ku leeyihiin Somaliland iyo sida ay uga soo qayb qaateen dhismaha qaranka Somalilland oo runtii ku saleysan xaqiiq dhab ah
Ka dib marka aan qiimeynay mihiimada ay leedahay wax wada qeybsiga ku saleysan Cadaalad iyo isu dheelitir xilalka Qaranka (Equal Opportunity)
Waxa uu Xisbiga Waddani kula talinayaa Xukuumada Maanta  talada dalka haysa in ay tix geliso Cabashooyinka ay soo gudbiyeen beel Weynta Awdal iyo Selel wixii suurto gal ah, beesha oo runtii aanu aaminsan nahay in ay Somaliland soo gelisay tacab aan marnaba la dhayalsan Karin
Waxaan  xukuumada uga digaynaa in ay iska indha tirto baahida loo qabo Awood qeybsi caddaalad ku saleysan si qaranka Somaliland hiigsigiisa iyo himaladiisu u taabo gasho, dawladnimaduna gaadho ama ku fido dhamaan umada reer Somaliland kana ilaaliso dheeliga awood qeybsiga beelaha Somaliland , arinkaasoo inagu keeni kara in umada dhexdeeda ka abuuranto kalsooni xumo.

F.G. Sumada Xisbiga Waddani waa caddaalad, Horumar iyo Sinaan sidaa awgeed taageeridayadan maahan mid u gaar ah Beelaha Awdal iyo Selel ee waxaan taageersanahay in dhamaan umada reer Somaliland ay caddaalad ku wada noolaadaan, sidoo kale la qiimeeyo dhamaan Cabashooyinka ka imanaya deegaanada Somaliland.

Ugudanbeyn waxay dhamaan umada reer Somaliland indhaha ku hayaan sida ay xukuumadu uga jawaabi lahayd dareenka Beelaweynta  reer Awdal iyo Dhamaan umadad reer Somaliland ee Saluugsan Awood Qeybsiga Dawladnimada.”
Allaa Mahad leh
Xoghayaha Siyaasadda Xisbiga Waddani
Mudane Maxamuud Raage Ibrahim