XISBIGA KULMIYE MUXUU DALKA KU SOO KORDHIYAY ?

maqaal

Waxa tuulo ku wada noolaa laba nin oo labadooduba tuurlahaayeen , berigii danbe ayaa midbaa habeen ciyaar cuday , wuxuu la kulmay qolo jin ah oo ciyaaraysa , oo ku heesaysa QALAM QALAM , ciyaartii buu ku biiray wuxuu ku darsaday  JALAM (waxay noqotay qalam jalam ) , way u bogeen qoladii jinka ahayd .

Ciyaartii markay dhamaatay ayaa waxay waydiiyeen :maxaad naga soo doontay ?
Ninkii waxa uu ugu jawaabay : waxa i dhibtay TUURTAN oo , waxaan doon doonaayay cid iga furdaamisa ?
Tuurtii bay ka qaadeen , halkan bay ku tuureen .
Tuuladii buu ku noqday ninkii isaga oo toosan , wuxuu la kulmay ninkii kale ee isaguna tuurta lahaa , waxa uu waydiiyay : waar sidaad isaga farsamaysay tuurtii ? isna sheekadii buu uga waramay .
Isna waxa uu u ciyaar guday qoladii jinka ahayd oo kala qayb galay ciyaartoodii , laakiin waxba kumuu darsan ciyaartii waxna kuma soo kordhin , qoladii jinka ahaydna ciyaartiisii kamay helin umana bogin .
Ciyaartii markay dhamaatay ayay waxay waydiiyeen : waar maxaa noo kaa keenay ?
Wuxuu ugu jawaabay : tuurtan baa idhibtay oo aan doonayaa cid iga farsamaysa (furdaamisa)? Illeen ciyaartiisii umay bogine , tuurtii hore oo halkan taalla , ayay u xanbaariyeeh oo tiisii hore mid kale ugu kordhiyeen , isagoo tiisii hore la liita oo la itaal daran , ayay mid kale ugu dareen .
Hadaba shacabka iyo dalka somalilandba iyagoo la liita arimo fara fadan ,oo duruufo adagi haystaan , ayaa xisbiga kulmiye na , waxa uu dalka ku soo kordhiyay ilaa iyo maalintii uu xukunka la wareegay  ( in uu qabyaaladdii – musuq-maasuqii iyo caddalad darradii ) sii xoojiyo , oo aanu la gaban-na .
Dhibaatooyinkii horena aanu waxba ka qaban ee dalka iyo dadkaba haystay .
Hadaba xisbiga kulmiye muxuu dalka ku soo kordhiyay ee aan dhib ahayn iyo dib udhac .
Cali Maxamed Biixi 
caliwwelli@hotmail.co.uk