Warsaxafadeed…..Xisbiga UCID Laanta UK, Baaq Taageero Go’aankii Labada Xisbi Mucaarad Ee UCID IYO WADANI Ay Ku Qaadaceen Diiwaangalinta Maddaniga Ee Dhagaraysan.

Xisbiga UCID Laanta UK, Baaq Taageero Go’aankii Labada Xisbi Mucaarad  Ee UCID IYO WADANI Ay Ku Qaadaceen Diiwaangalinta Madaniga Ee Dhagaraysan.

 ucid tacsi

Taageerayaasha iyo Masuuliyiinta Xisbiga UCID Laanta UK waxay si mugleh u taageerayaan go’aankii Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo WADANI ay ku qaadaceen Diiwaangalinta Madaniga ah ee Dhagaraysan ee Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo Baarlamaanka u gudbisay, waxaanu halkan musuuliyiinta sare ee Xisbiga UCID uga cadaynaynaa in aanu idinku taageernay qaadacaadaa aad qaadacdeen diiwaangalinta madaniga ah ee xujada ama shuruuda looga dhigay qabsoomida diiwaangalintii doorashooyinka.

 

Waxaanu la soconay ama bulsha weynta reer Somaliland ay la wada socdeen Heshiiskii ay 3 xisbi Qaran ee Somaliland  UCID, WADANI IYO KULMIYE, Komishinka Doorashooyinka iyo Beesha Caalamka wada saxeexeen ee ahaa in labada diiwaangalinood isgarab socdaan, sida iminka noo cadaatay waxa Heshiiskaas jabiyay oo ka baxay Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo, markii ay Baarlamaanka u gudbiyeen xeerka diiwaangalinta madaniga ah oo ay shuruud uga dhigeen diiwaangalinta doorashooyinka, arrintaasi waxay noogula muuqataa in ay doonayaan qiil ay ku korarsadaan.

 

Baarlamaanka Somaliland waliba xubnaha  aad moodo in laga soo dhexdoortay Madaxtooyada Somaliland ee ku sifoobay in ay danahooda gaarka ah ka hormariyaan danaha Qaranka Somaliland, waxaanu kuwaa uga digaynaa in ay ansixiyaan sharcigaa diiwaangalinta madaniga ah ee ay tahriibinayaan Wasiirka Madaxtooyada iyo ka arrimaha gudaha, wax badan baad sharci tahriib ah u an sixiseen Wasiirka Madaxtooyada kani waa kii aad eedi lahaydeen, Baarlamaanka Somaliland xubnaha xalaasha ah ee umadooda u dooda waxanu ka codsanaynaa in ay sharcigaa hor istaagaan waxaanuna u balan qaadaynaa taageerayaasha xisbiyada mucaaradka iyo shacabka Somaliland oo dhan in ay garabkooda taagan yihiin.

 

Masuuliyiinta sare xisbiyada mucaaradka UCID IYO WADANI waxaanu si sharaf leh uga codsanaynaa in ay muujiyaan awooda shacabka taageersan gudo iyo dibadba taageerayaasha labada xisbi mucaaradna loogu baaqo mudaharaad salmi ah oo looga soo horjeedo diiwaangalinta madaniga ah ee shuruuda looga digay diiwaangalinta doorashooyinka oo ah arrin xaqdaro ah, war  guruubkan Madaxtooyada fadhiyaa maxishoodaan lakiin waa maqaan, shacabka reer Somaliland waa in awoodooda muujiyaan hadii kale marba inanyar oo wasiir ah oo sharci tahriibinaya ayaa ina marsiinaya  isaagoo adeegsanaya guruub Calooshood u shaqaystayaal ah oo  isku sheega Baarlamaan.

 

Mr. Abdulqadir  (Cukaashe)

Xoghayaha Xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafadda

Ee Xisbiga UCID Laanta UK

 

warfaa_101@hotmail.co.uk